Beledweyn(GNA)-Wararka laga helaayo magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa la khaarijiyay gudoomiya ku-xigeenkii labaad ee maxkamada degmadaasi, Macallin Xasan Cilmi Ciyow.
Goob-joogayaasha ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay masuulkaasi xilli uu kasoo baxay masjid uu ku cibaadeysanayay oo uu kusii jeeday hoygiisa magaalada inkasta oo dhaawac xilligaas gaadhay uu ugu geeriyooday Csbitaalka magaalada.
Kooxaha dilay Macallin Xasan Cilmi Ciyow oo ahaa kuwo Bastoolado watay ayaa lagu waramay inay baxsadeen, mana jirto cid la qabtay ilaa hada inta laga warqabo.
Taliska Police-ka gobolkaasi ayaa ku eedeeyay dilkaasi kooxda Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay in ay soo abaabulaan weerarada noocaan oo kale ah.
“Shabaab ayaa ka danbeeyay dilka Macallin Xasan Cilmi Ciyow”ayuu yidhi Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay.
Gobanimonews
Muqdisho Office