Wednesday, July 3, 2013

Diyaarad uu saarnaa madaxweynaha dalka Bolivia oo si qasab ah looga dejiyay garoon ku yaalla magaalada Veinna ee dalka Austra


(GNA) Diyaarad waday madaxweynaha dalka Bolivia oo kasoo kicitamtay magaalada Moscow ee dalka Russia ayaa si qasab ah looga dejiyay garoon ku yaalla magaalada Veinna ee dalka Austria Schwechat airport.




Arintaan ded-dega ah ayaa timid kadib markii laga war helay in madaxweynaha dalka Bolivia oo dul marayay hawada sarre ee dalka Austria uu diyaaradiisa saarna ninka ay sida weyn udoondoonayaan dowlada Mareykanka Edward Snowden oo ahaa ninkii bixiyay siraha sirdoonka dalka Mareykanka.




Evo Morales madaxweynaha dalka Bolivia ayaa ku sugnaa maalinimadii shalay dalka Russia isagoo kulan u dhexeeyay koonfurta wadamada Latin America uga qeyb galay safarkiisa uu ku joogay dalka Russia waxayna arinta keentay in si qasab ah lagu amray diyaarada waday Madaxweyne Morales in laga dejiyo garoon ku yaalla magaalada Viena ee dalka Austria.




Arriintaan ayaa waxa ay dhalisay in gabi ahaan madaxweynayaasha iyagu kamid ah Koonfurta Latin America ay canbaareeyn iyo carro kala dul dhacaan dowladda Austria iyo Mareykanka waxayna ku tilmaameen in xiriirada dhow ee la leeyihiin dowladahaas aysan ahayn mid kalsooni dhalin karta kadib falkii maanta lagula kacay madaxweyne Evo Morales.




Shakiga lagu dajiyay diyaarada siday Madaxweynaha Bolivia ayaa beenowday kadib markii ay baareen saraakiil iyagu udhashay dalka Austria iyo Mareykanka wuxuuna si cara leh hadalo xun-xun uga warbixiyay warbaahinta falka ay kula dhaqmeen dowlada Austria oo ku shaqeynaysay amarada dowladda Mareykanka.




Arintaan ayaa imaanaysa xili Snowden uu ku sugan yahay magaalada Moscow gaar ahaa garoon Transit ah oo aan ilaa haatan si cad aysan u shaacinin dowladda Russia inkastoo uu kusii jeeday dalka Eacudor .