Thursday, July 4, 2013

Dawladda Masar oo madaxweyne loo dhaarinaayo gudoomiyihii maxkamadda distuurigga Caadil Mansur


Cairo 04.07.2013 (GNA),-Gudoomiyihii maxkamadda distuurigga Caadil Mansur oo la filaayo in loo dhaariyo madaxweynaha dalka Masar.




Go´aankan yaa imanaaya kaddib markii militeriga uu xukunka ka tuuray Maxamad Mursi, oo ah madaxweynihii ugu horreyay oo si dimuqraadiyad ah loo soo doortay.




Militeriga ayaa sidoo kale sheegay inay meesha ka saareen destuurka dalka Masar, oo sanadkii hore la ansixiyay.




Taageerayaasha Mursi ayaa tallabadan ku gacansayray, waxayna sheegeen inay tahay afgembi ay militeriga ku kaceen.




Waxa weli sii soconaya dibedbaxyada looga soo horjeeda Mursi, iyo kuwa lagu taageersanyahay, oo ka dhacaya




dalka oo dhan.




Afhayeen u hadlay xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda ee Mursi ayaa sheegay in taageerayaasha xisbiga ay ka hortagi doonaan isku dayga ah in dib loo celiyo dimuqraadiyadda dalkaas.




Mucaaradka ayaa soo dhaweeyay tallabada militeriga, waxayna ku doodayaan in Mursi uu ku fashilmay maammulidda dalka mudadii sanadka ee uu xilka hayay.




Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa ka dhacay dalka Masar.




Dowladda Maraykanka oo kaalmada dhaqaale ee ugu badan siiso dalka Masar, ayaa sheegtay inay dib u eegayso arrintaasi.