Wednesday, July 3, 2013

Burco: Cuqaal iyo Wax-garad ka digay in Bali-samatar Mashaqo Deegaan ka dhalato


Burco(GNA)-Cuqaasha iyo wax garadka Beesha Cabdale Qoyan (Ciise Muuse) oo ka mid ah Beelaha Gobolka Togdheer  ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay la safatay dhinac ay isku hayaan bali lagu magaacaabo Bali samatar oo ay iyagu degaan ahaan u leeyihiin,isla mar kaana ay sharci iyo ogolaansho u haystaan.




waxa kale oo ay ay waxgaradka iyo cuqaasha beesha Cabdale Qoyan Beelaha somaliland ugu baaqeen in arintaasi la soo faro-geliyo, Sidoo kale beeshani waxay saxaafada u bandhigeen Ogolaanshaha Baligan oo uu u qoray Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi Xamrji.




Sidaasna waxay ku sheegeen sir jaraa'id oo ay ku qabteen  Magaalada Burco.




Chief Caaqil Sugaal C/laahi Cajeb oo ugu horayn shirkaas jaraa'id ka hadlay hadlay ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa “waxaanu maanta ka hadlaynaa baliga qodnaa   boqol iyo labaatan sanadood ee Bali Samatar, balida bancawl ee degaanka Burco ugu da'da wayn,Baligaas oo aanu is nidhi dhooba qaada maadaama uu ahaa bali ay beeshu waqaf u qoday,waxaanan u maray wado sharciya  codsi baanu qoray,Gobolkuna sidaas ayuu noogu ogolaaday in baligaasi yahay waqaf oo reer samatar dhoobo qaado, waataas labadii warqadood ba,Badhasaabkuna waa wakiilkii madaxwaynaha, hadii sharciga iyo saxeexa maamulka la diido nin walba saxeexiisa ayaa la diidi doonaa,waxaanay Afarta beelood ee kala ah Ciise Cibraan,Reer Biniin,Reer Badeed iyo Abokor Axmed,ay soo dul dhigeen hub markii lays yidhi cagafta geeya,waxaana ogaa dhamaan maamulka gobalka, Xukuumaduna yaanay noqon midi reerka uu kasoo jeedo Madaxwaynuhu loo afeeyo oo dadka lagu laayo,waxaan leeyahay madaxwayne iyo wasiir xirsiyow yaan magaciina lagu adeegan Beeshanina waa beeshii aad jifada u ahaydeen.anagu ergaanu u diray oo cuqaasha gobolkaa u dirtay way noosoo fadhiisanwaayeen,waxaanu u aragnaa awood sheegasho xaga ay leeyihiin waxaanu kasoo jeednaa xaga madaxwaynaha.”.




Waxaanu xukuumad Beelaha somaliland ee aanu dariska nahay  iyo cid walba ah oo nabadgelyada danaynayaba ugu baaqaynaa in arintan la eego anaguna waxaanu leenahay ka guurimayno  degaankayaga iyo baligan oo dad soo guurayna ma nihin,waananu qodaynaa baligaas waqafka nerked iyo binana uma ogolin.




 Waxaa isna shirkaa Jaraa'id ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Cabdale qoyan Saleebaan Cawil Abokor waxaanu yidhi.”baligu hadii uu waqaf yahay cid buu ku magacaabanyahay oo balidoo dhami baliba cid  buu ku magacaabanyahay,Samatar cawed baa la yidhaahdaa baligan ninkaas buu u ahaa oo loo bixiyay ilaa hada waa laga cabaa laakin ciid badan baa ku noqotay ,qoyskii baa doonay in ay baneeyaan si uu u sii jiro oo waqafkii u ahaado,taas baa reerahaasi is hortaageen ,maamulka gobolku aad bay u maadsanyihiin oo talaabo wanaagsan bay qaadeen oo ciidamdii hubaysnaa ee loogu tagay way kala eryeen, waxaanu se ogsoonahay in culays fara badani uu soo fuulay badhasabka Gobolka ,dawladuna umada ayay dhex u tahay cidii gardaran inay qabataabay xaq u leedahay oo dawlad ku tahay, ee maaha inay dhinac isu taagto.




Oday C/laahi ismaaciil jaamac oo isna baligaasi ka hadlaya ayaa yidhi “waxaan ahay dhawr iyo sagaashan jir  baliganina(bali samatar) wuu iga waynaa,baligani bali kama,iyo muran ku jira maaha dawladuna waxay  ugu tagtay dad hubaysan, dadkaasi  hubaysan markii ay tagtay way yaaceen waxaanay hayd inay qabqabato oo talaabo ka qaado,Baligan markii aanu nidhi waqaf baa loo qodayaa oo loo dhooba qaadayaa in  afar beelood ku soo duusho oo ay dawladuna ku raacdo miyaany qabyaalad ahayn,waxaa maanta baligaa waqaf ku qodaya ehelkii  dadkii hore ee qoday, wixii halkaas ka dhaca kuma ceebaysnin hadii aanu nahay beesha Cabdale Cabdule”.




Oday Cabdi yuusuf Samatar iyo Oday Cabdi yuusuf Cali oo ayaa iyaguna ugu danbayn Bulshada reer somaliland iyo xukuumadaba ka dalbaday in arintan wax ka qabtaan.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office