Hargeysa(GNA)-Ka dib markii Boqolaal qof oo dhalinyaro u badani Bilihii la soo dhaafay ka tahriibeen Goboladda Somaliland, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay qaaday talaabooyin is-daba joog ah oo lagula tacaalayo joojinta Tahriibka.
Tahriibka ayaa ah Xanuun siyaabo kala duwan ugu dhaca dadka uu asiibo, laakiinse waxa la aamisanyahay inay ku dhaqaaqaan dadka shaqo la’aantu dalka ku heshay oo raadsanaya nolol iyo Mustaqbal wanaagsan oo ay Intifaacsadaan.
Doodda noocan ah ayaa ah mid boqolkiiba sagaashan sax loo arko, balse waxa jira Dhalinyaro badan oo iyagoo shaqooyin fiican haysta ka door biday ku sii negaanshiyaha nolosha waddanka inay u Tahriibaan Dalalka dibada,kuwaasoo siday aaminsanyihiin dadka u dhabo gala Tahriibku inay tiro ahaan laba jibaar ka badan yihiin kuwa nolol raadiska ee ay waayaha iyo wakhtigu ku khasbeen Safarka.
Ka dib markii lagu baraarugay inuu jiro Korodh xawli sare ku socda oo ku saabsan tirada Da’yarta sanadkan 2013 socdaalay, Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu Tahriibka u aqoonsaday Aafo qaran oo u baahan Olole balaadhan oo lagu suulinayo, kaasoo uu si loo fuliyo uu u magacaabay Guddi ka kooban Golaha Wasiiradda ee Xukuumaddiisa, Guddoomiyena uu u yahay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Ma jirto ilaa hada wax talaabo ah oo ay Guddidaasi qaadeen, waxaana saamayn ku yeelatay Isku shaandheyn Madaxweynuhu ku sameeyay Golaha wasiirrada oo galaafatay xubno ku jiray Guddidaasi, kuwaasoo erigoodu kala dhantaalay hawshii loo diray xubnahaasi, isla markaana suul-daaro ku noqotay isku day kasta oo ay kaga munaaqishoon lahaayeen arintan.
Cabdiraxmaan Guun oo ka hawl-gala Ururadda ka Ololeeya arimaha Tahriibka ayaa ka waramay sababta ka dambeysa korodhka tahriibayaasha “dhibaatadani waa mid laba nooc ah, 1-waa dabayl socota oo qofku isagoo iska jooga ku odhaysa tahriib oo Tusaale ahaan adigoo meel ka shaqaynaya ayaad odhanaysaa meel kale u shaqo tag oo kaaga mushahar fiican halkii hore, dabadeed sidaasi ayaad shaqadii kaga tegaysaa oo dib u xasuusan maysid halkii hore.
2- arinta labaad waxa weeye qof wax soo bartay oo hadana waddanka Bilaa Camal ku ah ayaa odhanaya maad meelahaa kale isaga shaqo tagtid, hadii aad waddankaagii shaqo ka wayday, runtiina dadka noocaas ah ee Baahidu kaxanaysaa waa boqolkiiba shan iyo sodon, laakiinse 65 kale waa dad Kibirsan oo aanay jirin duruuf ku khasbaysaa Tahriibku.”
.Dariiqo kasta oo loo maro Joojinta Socdaalkan halis ah, waxa ugu horaynaya abuurista Daawo Nafsiyan u saamaysa dhalinyarada, taasoo ah Wacyi gelin joogto ah iyo in sawir buuxa laga bixiyo natiijada uu la kulmo, qof Tahriibay oo duruufo qalafsan kala kulmay jidka Haraadka iyo muhalakada badan ee ay badanaa maraan dadka arintan ku dhaqaaqay.
Fililmo, fariimo joogto ah iyo Metelaado kale oo bulshada loo mariyo Warbaahinta, ayaa qayb ka ah waxyaabaha ay ku talinayaan in la sameeyo dadka indheer garadka ah si loo xakameeyo ugu yaraan boqolkiiba xubin ka mid ah dadka Aafadan u badheedhaya, laakiinse waxa cad inaanay shaqo abuuris la sameeyaa wax badan ka tarayn wakhtigan xaaladu sida ay tahay, maxaa yeelay maaha shaqadu wax Dabiib u noqon kara qof uu hayo xanuun Hiyi kac ah oo aanay laabtiisu daalacaynayn Dakhli kasta oo uu waddanka ka xoogsado.
Sida uu mar kale sheegay Mr Guun “haa waan aaminsahahay in shaqo abuuris la sameeyo laga horaysiiyo Daaweyn in qofka loo sameeyo oo la tuso in waxani khatar yahay”ayuu ku Jawaabay, isagoo aad ula dhacsan aragtida la waydiiyay, isla markaana madax lulay ka hor intaanu hadalkiisa odhan.
Sidaasoo ay tahay , waxa magaalada hargeysa dhawaan laga furay Xafiis loo bixiyay shaqo doon oo ay ku hawlanyihiin Hay’ado Waddani ah iyo kuwa Ajaanib ah oo taageero ku gaysanaya, kuwaasoo sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan, ujeedada loo furay ay tahay in lagu diwaan-geliyo Dhalinyarada shaqo doonka ah, si fursado shaqo loo ay u tartamaan loo siiyo.
Waxa kale oo jiraa shir laba maalmood socday oo lagaga wada hadlayay sidii loo xakamayn lahaa halista sibiq-dhaqaaqa, waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ), Axadii todobaadkan, iyadoo la soo gabagabeeyay Maanta oo salaasa.
Shirkaasi kama soo bixin natiijo wax ku ool ah oo lagu hakinayo arintaasi, waxaana muuqata inaanay la dhacsanayn Masuuliyiinta dawlada maxsuulkiisa, inkasta oo intii uu socday Aaraa badan laysku waydaarsaday, hadana ma jiraan qodobo wax ku ool ah oo meeshaasi laga soo saaray.
Hay’adaha dawliga ah ee ka shaqeeya arrimaha Bulshada ayaa furitaankii shirkaasi u arkayay inaanu ahayn mid loo dhanyahay oo wax ka taraya dooda ka taagan sida loo joojin karo xaalada socdaalka.
Si kastaba ha ahaatee wali Calaamatu su’aal ayaa saraan qaabka dawlada iyo rayidba loo waajahayo ka daba taga Safarka aan Garowshiyaha lahayn ee ay dhalinyaradii waddanku Baddaha iyo Berriga ugu dhamaanayso, kaasoo hadii wax laga qaban lahaa intii aanu faraha ka bixin dhakhso looga gun-gaadhi lahaa, balse iminka u muuqda miday xal u helidiisu u baahantahay Wakhti iyo Wadiiqooyin cusub loo maro.
Taasina waa arin laga doonayo inay dawladu horseed ka noqoto oo ka facweyn Madadaalo lagu maaweeliyo da’yarta iyo hal-abuurnimo sii Dhiiri-gelisa waxa lala Dagaalamayo (Tahriibka).
Gobanimonews
Hargeysa Office