Hargeysa(GNA)-Saddex hablood oo wax ka barta Dugsiga Sare Blooming Schools, ayaa maalintii Khamiistii ee ay taariikhdu ahayd 20-June-2013 ku soo Bandhigay Hotel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa Buugaag ay qoreen oo kala ah Biology iyo Physics.
Saddexdan hablood oo la kala yidhaahdo Zuzan Maxamed Maxamuud, Saynab Maxamuud Siciid, Iyo Sahra Xuseen Aadan ayaa sheegay in sababta ku kaliftey qorista buugaagtani ay tahay baahi loo qabo in la helo qaabka loo raaco marka su’aalaha laga shaqeynayo, habkan oo ah hab casriya oo aad u koobkooban.
Munaasibad ay Hablahani ku soo bandhigeen Buugaagta ay qoreen waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin iyo madax ka tirsan Xukuumada, Aqoonyahan Waalidiin iyo Arday tiro badan.
Maamulaha Dugsiga Blooming Secondary School Marwo Sahra Yuusuf Cartan, oo ugu horayn halkaasi ka hadashay ayaa ku dheeraatay muhiimada waxbarashadu ay leedahay, waxaanay tilmaantay inaanay waxbarashadu ahayn ta sida dharka loo xayeysiiyo, ee ay waxbarasahu tahay mid ka soo go´da ardayga, isla markaana ay dabaqaan macalimiintu waxa ay dhigayaan.
Sahra Yuusuf ayaa ka midho dhalinta Tacliinta ee dadka wax la baray tusaale ugu soo qaadatay Saddexdan hablood iyo kuwo kale oo iyana sidan oo kale Buugaag u qoray, iyadoo dhinaca kale mahad-celisay ka soo qaybgalayaashii Xafladan.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay saddexda hablood ee Buugaagta qoray ZuzanMaxamed Maxamuud, Saynab Maxamuud Siciid iyo Sahra Xuseen Aadan oo iyaguna ka war-bixiyey waxyaabaha ku kalifay inay qoraan Buugaagtan, waxaanay tilmaameen inay talaabadan qaadeen ka dib markii ay arkeen in baahi-weyn loo qabo in la helo qaabka loo raaco marka su’aalaha laga shaqeynayo,habkan oo ah hab casriya oo aad u koob-kooban.
"Annaga oo kala ah sadexdan hablood waa noo farxad ah inaan laba Buug ka qorney Biology-ga iyo Physics-ka".sidaasi waxa tidhi Zuzan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah saddexda Hablood.
Xubno ka mid ah Waalidiinta Munaasibada ka soo qayb galay oo halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna dhalinyarada u booriyay inay Maskaxdooda maalaan, kana waantoobaan Tahriibka iyo dhibaatooyinka kale ee Luminaya.
Xukun Cali Daahir oo ka mid ah xubnaha madasha ka hadlay Fariina u dirtay dadka u hanqal taagay inay tahriibaan kuna boorisay inay maskaxdooda maalaan.
Waxa isna madasha ka hadlay Abwaan Cabdi-Waaxid Ali Gamadiid, kaasoo ka waramay muhiimada Af-ka iyo dhaqankeenu leeyahay, iyo diinta oo la xoojiyaa, waxaana uu halkaa ka jeediyay Gabay aad u qiimo baddan oo tacliinta ku saabsan.
"Aduunyada Tacliin iyo Cilmaa lagu tanaadaaye Kuwa samada tagay Waa tacliin waxay ku tookhaan"ayuu Gabaygiisa ku yidhi Abwaanku.
Ugu dambeyn waxa Xafladaasi hadal ka jeediyay Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Muuse Mohamed Shide, kaasoo bogaadiyey sadexda hablood ee qorey labada buug,isla markaana Ardeyda kale ee waxbaratay ugu baaqay inay ku deydaan hablahan bugaagta qorey.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Siciid Cagjar