Hargeysa(GNA)-Cabasho ba’aan ayaa ka soo yeedhaysa bulshada ku nool mid ka mid ah Kaamamka ay ku degenyihiin Dadka Baro-kacayaasha ah ee Magaalada Burco, taasoo salka ku haysa Guryo loo balan qaaday in loo dhisayo oo ay Hay’ada NRC(Norwagian Refujees Council) u sheegtay inay kala noqotay.
Xubno ka mid ah Baro-kacayaasha ku nool Kaamka Ibraahim Koosaar oo ka mid ah Ilaa afar Goobood oo Dadka Baro-kacayaasha ah la dejiyay, ayaa Gobanimonews u sheegay inay Hay’ada NRC laba maalmood ka hor ku wargelisay in laga noqday ilaa 80 Guri oo ka mid ahaa Boqol Guri oo qayb ka ahaa Dhismayaal laga hir-gelinayo saddex kaam oo magaaladaasi ku yaalo oo bakhtiyaa nasiib lagu qabiyay, kuwaasoo boqol ka mid ah oo ay Bakhtiyaa nasiib ku heleen dib uga qaadayso NRC.
Cabdi Qawdhan Axmd oo ka mid ah Odayaasha Qoysaska baro-kacayaasha ah, ayaa ka waramay ujeedada cabashadooda, “Waxaanu ka mid nahay Dadka Baro-kacayaasha ah ee Degen Xaafadda Ibraahim Koosaar ee Magaalada Burco, Beri dhaweydbaa nalugu yidhi Guryaa laydiin dhisayaa, Guryihii waxaanu u galnay Bakhtiyaa nasiib, waxaana bakhtiyaa nasiibkaa ka qayb-galay Saddex Kaam oo kala ah Ibraahim Koosaar, Aadan Saleban iyo Cali Xuseen. Baro-kacayaasha Ibraahim Koosaar, waxay ku guulayseen Boqol Guri in loo dhiso, dabadeed , Guryihii markii labaatan la dhisay ayaa maalin saddexaad nalugu yidhi intii kale waa laydinka qaaday oo waxa la siinaaya dad kale oo aan ahayn kuwii ku guulaystay ee sharciga la siiyay”ayuu sheegay.
“arintaasi markii ay NRC noo sheegtay waxaanu qaadan waynay ayay nagu noqotay, waxaanan waydiinay sababta ay go’aankaa u qaadatay, wax sabab ahna way noo sheegi waayeen, dabadeed qoraal ayaanu u qornay Xafiiska Gobolka iyo guddida Nabad-gelyada ee Magaaladaba oo aanu ka gudbinay, talaabadaasina waxaanu u aragnaa mid Cadaalad daro ah oo lagu duudsiyayo dad wixii loo balan qaaday sugayay in loo dhamaystiro, lana siiyay sharcigii iyo Waraaqihii lagu siiyay.”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sidoo kale Sahra Axmed oo ka mid ah Dadka degen Kamka Koosaar, ayaa sheegtay“waxaanu nahay dad danyar ah, waxaanu haysanaa dad jilicsan oo qaar Indhoolayaal yihiin, qaar Curyaamiin yihiin iyo Ubad yar-yar, ma haysano Hoy aanu ku haysano, markaa waxaanu ka cabanaynaa wixii aanu lahayn ee Ilaahay na siiyay oo nalaga qaadayo, waxaanan u aragnaa in nala Musuqay oo Laaluush nalagaga qaaday Guryihii aanu helnay”.
Baro-kacayaashan, ayaa sheegay in Kaamamkii kale ee ay Bakhtiyaa nasiibka u wada galeen Guryahaasi loo dhisay,ilaa hadana aanay garanayn sababta loo hungureeyay iyaga.
Dhinaca kale,Cabashada Baro-kacayaashan waxa dhaleeceeyay xubno ka mid ah Wax-garadka Magaalada “dadkaasi cabashadooda waxay gaadhsiiyeen Maamulka gobolka iyo degmada, annagana way na soo gaadhsiiyeen, dabadeed waanu kala hadalnay Maamulka, waxaana loo yeedhay wakiilka Hay’ada NRC ee Gobolka, kaasoo ahayd inuu maanta yimaado,laakiinse muu iman, waxaanan u aragnaa arintan ay dadka danyarta ahi ka cabanayaan mid iska horkeen abuuraysa hadaan dawladu wax ka qaban”sidaasi waxa yidhi Suldaan Maxamed Muuse Cunne oo ka mid ah madax-dhaqameedka Gobolka Togdheer.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Hay’ada NRC ee laga cabanayo iyo Maamulka Gobolka toona oo ku saabsan Cabashada Dadkan danyarta ah, iyadoo Sarkaalka ugu sareeya Xafiska Hay’adaasi ee Gobolka Togdheer oo magaciisa la yidhaahdo Ibraahim oo aanu Khadka telefoonka kala xidhiidhnay uu ka Jawaabi waayay Telefoonkiisa gacanta oo aanu ka wacnay.
Maaha markii ugu horaysay ee cabasho ka timaado Mucaawimo loogu talo-galay dadka Danyarta ah ee Somaliland ee la soo mariyo Ururadda Caalamiga ah iyo kuwa Muxaliga ah, balse waa arin marar badan soo noqnoqota.
Waxaana loo baahanyahay in Dawladu daba-gal joogto ah ku samayso, qaabka loo maamulo mashaariicda lagu Taageerayo dadka jilicsan oo aanay inta badan xil-iska saarin inay hubiso in loo fuliyay sidii loogu talo-galay iyo in la siiyay dadkii loo qoondeeyay.
Gobanimonews
Burco Office