Berbera(GNA)-Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxa ka muuqda Horumar balaadhan oo dhinaca Ganacsiga iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah ku Taxaluqa, taasoo labadii sanadood ee ugu dambeeyay wax weyn ka bedeshay nolosha iyo muuqaalka guud ee Magaalada.
Korodhka Hindiseyaasha Ganacsi iyo Dhismayaasha cusub ee Magaalada laga dhisayo ayaa ah kuwo si joogto ah uga socda Darafyada dhinaca Koonfurta, Galbeedka iyo Bariga Magaalada, waxaanay taasi muujinaysaa rejo wanaagsan oo Mustaqbalka dhaw suurto gelinaysa inay noqoto meel lagu soo hirto dhinaca Ganacsiga.
Inkasta oo ay Magaalada ku taalo Marsadda ugu weyn Geeska Afrika,oo ay wax uga soo degaan dhamaan Dadka reer Somaliland iyo kuwa Jiraanka la ah, taasina ay khasbayso in lagu xidhnaado Magaalada, hadana hal-abuurnimo Ilo dhaqaale iyo aragtiyo Ganacsi oo laga abuuro Magaaladan Xeebta Saraan, ayaa ah mid dib u soo celinaysa Il-baxnimadii dadka Reer Berbera iyo Dhaqdhaqaaqii halkan ka socday tobanaan sano ka hor intaan laga guurin.
Dadka Qurbaha uga soo hiloobay inay wax ka qabsadaan Waddankooda Hooyo, ayaa ah kuwo Fursado Qariib ah ka helay Magaalada Berbera, sida Maxamed Cilmi oo ah Mawaadin Cariga Maraykanka ku maqnaa sanado badan oo Badhtamaha magaalada berbera dhawaan ka furtay Meherad yar oo Shaaha iyo Sharaabka laga cabo, lagana helo adeegyo ka fac weyn Baaxadda ay le’egtahay Makhaayadiisu, gaar ahaan Adeega Internetka inta aad nashada ku jirto Isticmaalayso.
Star Bucks Coffe, waa Makhaayad lagu Iibiyo Shaah Baraadka, Shaaha Libton-ka, Bunka oo noocyo kala duwan ah, Sharaabka la qaso oo hab Reer Berbera Casri ku ah loo sameeyay iyo noocyada Cuntooyinka Fudud ee Caasimadaha laga helo oo halkaasi lagu diyaariyay, waxaana mudo yar ka hor Aasaasay Maxamed Cilmi oo ii sheegay inuu in ka badan dhawr iyo labaatan sanadood xoogsade shaqooyin ka gedisan soo qabtay yahay.
Maxamed Cilmi, ayaa Gobanimonews uga waramat Meheradan iyo waxyaabaha uu ku Iibiya “Meheradan waxaan aasaasay todobaadyo ka hor, anigoo Magaalada Hargeysa Guri aan Meherad ka furto ka waayay, ayaan Berbera Imi dabadeedna dhawr maalmood markaan joogay ayaan halkan helay, waxaan ka furay Starbuck Coffee oo ah meel aan doonayo inay la tartanto Goobo ganacsi oo mudo dheer jiray”.ayuu sheegay.
Xoogsade Cilmi, ayaa Hindisaha Meheradan ku sheegay mid wali tijaabo ku jira “adigu halkan waan tijaabinayaa, markaa hadii ay noqoto meel isbixisa waan ka shaqaysanayaa hadii kale waxaan u guurayaa meel kale oo wax igaga soconayaan”.
Isagoo ka waramaya waxyaabaha lagu Iibiyo Starbuck Coffee, waxa uu yidhi “waxaanu samaynaa Shaaha oo noocyo kala duwan ah,(Somali Tea), isagoo Baraad ah, isagoo Baraf leh oo hab casri ah loo sameeyay, Bunka ama Coffe-ga ayaanu sidoo kale halkan ku samaynaa, waxaana intaasi dheer Sharaabkii, Cuntooyinkii fududaa ee sida Buskutka iyo Cake-ga oo iyaguna ka mid ah waxyaabaha aanu meherada ku iibino, waxaanan dhawaan soo ku soo kordhinaynaa oo qorshaha noogu jirta, waxyaabo kale oo aanu doonayno inaanu Macaamiisha madadaalo uga dhigno, waanan balaadhinaynaa dhawaan hadii alle ka dhigo”ayuu u sheegay.
Sida uu sheegay Ganacsadahani maaha qof ay shaqadu ku cusubtahay, waxaanu xoogsade ahaa in ka badan 25 sanadood oo uu dalal badan ka soo shaqeeyay, waxaanu tilmaamay inuu dhalay saddex caruur ah oo ta ugu weyni Jaamacad Dhakhtarnimada ah barato.
“anigu waxaan xoogsade ahaa 25 sanadood, waxaan ka soo shaqeeyay Shirkaddo Ganacsi iyo xafiisyo tiro badan, waxaan ahay Nin farshaxnimadda wax ka yaqaan, waxaanan ahaa Ninkii ugu horeeyay ee Calanka SNM iyo Astaantii ururkaasi sameeyay, anigoo jooga waddanka Maraykanka oo aan xiligaasi abaabul badan ka samaynay aniga iyo Nin ay Walaalo yihiin Dr Axmed Xuseen Ciise oo aanu Maraykanka wada joognay.”
Maxamed Cilmi ayaa sidoo kale Iftiimiyay laba caqabadood oo ay dadka qurbaha joogaa la kulmaan marka ay waddanka yimaadaan.
“Dadka Qurbaha ka yimaadaa laba Mushkiladood ayay dalka kala kulmaan, labadaa Mushkiladood ayaa kala ah in Dhul Baabul-khiyaamo ah laga Iibiyo iyo inuu qofku waayo meel uu Kiraysto oo uu Maal-gashi ka samaysto, markaa labadaa Mushkiladood inta ay jiraan way adagtahay in dadku lacag gashadaan waddanka.”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu dawlada u soo jeediyay,“markaa waxaan u soo jeedi lahaa dawladu inay dadka dibadaha ka soo noqonaya u samayso goobo ay Maal-gashi ka samaysan karaan, hadii kale qofku markuu mudo raadiyo Guri uu dego (Guest House), ee uu waayo wuu niyad jabayaa.
Anigu iminka Todoba bilood ayaan Hargeysa ka raadinayay Guri aan meherad ka furo, dabadeed markii aan waayay halkan ayaan ka sameeyay, waxaanan rajeynayaa inaan mustaqbalka mid kalena Hargeysa ka furo”.yidhi.
Maxamed Cilmi ayaa haysta Fursad adeeg oo bilow ah,waxaanu Meheradiisan ka furay Dhisme fooq ah oo dacalka waqooyi kaga qabsan Dhismaha ugu weyn magaalada Berbera oo uu ku yaalo Hudheel Barwaaqo, hudheelkaasoo dhismihiisa uu leeyahay Ganacsade cali Maaweel.
Waxa uu ka turjumayaa Yihdi-diilo dhinaca Ganacsiga ah iyo Maal-gashi laga sameysto Magaalo xeebeed kulmisa dad badan oo meelo kala duwan ka soo safray, una baahan inay helaan dhamaan adeegyada laga helo magaalooyinka ay gaadhaan inta Berbera ku xidhan ee gudaha dalka ka booqata iyo inta Badda iyo Hawada uga soo safra.
Lacag Gaadhaysa toban Kun oo doolar, ayuu sheegay inuu ku maal-geliyay Meheradiisan,waxaanu lacag badan soo geliyay Mishiinadda shaaha iyo Bunka lagu shiilo oo casri ah iyo Qaboojiyayaal dhif iyo nadir ku ah magaalada oo uu shaqaynayo, waxaana hubaal inuu horseed u yahay Mustaqbal hor leh oo ay Mujtamaca Reer berbera dhakhso u heli doonaan iyo Maal-gashi ku dhisan Xadaarad iyo ilbaxnimo dunida la Jaan-qaadaysa oo maal-qabeeno badan soo jiidan doonta.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews Reporter
Email: editor@gobanimonews.com
Curad1986@hotmail.com