Tuesday, July 2, 2013

Xaabsade: Madaxweynuhu wuxuu amray in Wershadda Laydhka Hargeysa lagu Maal-geliyo $640,000,waanay isbixinaysaa laba sano ka dib”


 




Hargeysa(GNA)-Wershadda Korantada dawlada ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu samaynayaa Dib u habayn iyo dar-dar gelin lagu tayaynayo adeegyada laydhka ee ay bixiso, waxaana hawshaasi lagu Maal-gelinayaa lacag gaadhaysa $640,000 oo ay dawlada dhexe bixinayso.




Talaabadan ayaa wax lagaga qabanayaa Dib u dhac iyo habacsanaan dhinaca maamulka ka ah oo Hay’adaasi mudo dheer haysatay, waxaanay taasi ka dambeysay ka dib Maamul cusub oo Wershada la wareegay iyo baadhitaano lagu sameeyay sababaha keenahay hoos u dhaca adeega wershada.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu dhawaan amray inay dawladu bixiso lacagta lagu maal-gelinayo Wershada, ka dib markii loo gudbiyay Warbixin laga sameeyay baadhitaano xaqiiqo raadin ah , maamulka cusub ee la wareegay Hay’aduna u bandhigay Qorsheyaashiisa ku aadan horumarinta Hay’ada.




Maal-gelinta lagu samaynayo, ayaa lagu soo iibinayaa Mishiino cusub oo dabka Dhaliya iyo qalab kale oo casri ah, kaasoo lagu bedelayo Mishiino daalay oo wershadaasi ku shaqayso, waxaana hawshaasi daba socota dedaal kale oo la doonayo in Wershada loogu soo celiyo Malaayiin lacag oo Dayn kaga maqan.




Wasiirka hore ee Hawlaha Guud iyo Guri-yaynta Xukuumadda Axmed Cabdi Xaabsade oo xubin ka ahaa Guddi qaran oo uu Madaxweynuhu mudo ka hor u saaray xal u helida Mushkiladda Wershadaasi la tabcaantay, ayaa Maanta sheegay in Wershadaasi laba sanadood ka dib ay si buuxda isu bixin doonto, isagoo dhinaca kalena ka waramay caqabadihii haystay ee la xaliyay.




 




“Wershada Laydhka hargeysa , waxa yaala Mishiino Gaboobay oo qaarkood yihiin kuwii dalka loogu soo galay,dayac badanina ka muuqdo, waxaana lagu leeyahay Lacag dayn ah oo dhan $640,000, iyaduna waay dawlada ku leedahay lix Boqol oo Kun oo Doolar iyo dheeraad, waxa kale oo ka maqan, lacag dhan Hal Milyan oo Dollar oo dayn Dadweynaha kaga maqan oo laga soo Uruurin kari waayay”ayuu sheegay Axmed CabdiXaabsade.




Isagoo ka hadlayay Munaasibad uu maanta xilka ku wareejinayay, waxa kale oo hadalkiisa ku daray .




“markaa, warbixin aanu ka samaynay ayaanu dabadeed madaxweynaha u gudbinay, si loo dayac tiro ama looga guuro Mishiinadaa Gaboobay ee shidaalka badan cunaya, oo mashiino cusub loo keeno.




Mishiinadaasoo ku kacaya sided Boqol oo kun oo Dollar($800,000), markaa madaxweynuhu wuu nala qaatay, waxaanu amray in lacagtaasi la bixiyo oo la soo Iibiyo Mishiino cusub, warqada amarkaasina wali madaxtooyada kamuu soo bixin oo muu fulin, waxaana loo baahanyahay in la daba-galo oo wasiirka cusubi hawshaa daba-galo.”




Axmed Cabdi Xaabsade ayaa xaqiijiyay inay Wershadani sii shaqayn karto hadii loo dhamaystiro Inkaaniyaadka ay u baahantahay.”Wershaddu markii aanu qiimaynay, way sii shaqayn karaysaa hadii ay hesho maamul suuban, oo waxay isku bixinaysaa mudo dhan laba sanadood, wixii ka dambeeyana iyada aaya dawlada ku kabi karta lacag dhan Hal milyan oo Dollar”.




Waxa kale oo uu sheegay in Maamulkii hore ee Wershadani musuqmaasuq badan galay, lana soo qaban waayay iyadoo dacwadi ku socoto, isaga iyo Saraakiil kale uu ka mid yahay ku-xigeenkiisii.




“Wakaaladan Maareeyihii hore ee haystay, waxa uu lunsaday intii uu xilka hayay sideed boqol oo kun oo Dollar, waxaana ku socota Dacwad laakiinse waa la soo qaban kari waayay, waxaana kula jira dambigaasi Maareeye ku-xigeenkiisii iyo rag kale oo shaqaale ah.”ayuu yidhi.




Wershadan, ayaa dhawaan waxa la wareegay laba masuul oo cusub oo shaqada ku helay Imtixaan ay u galeen Maamulkeeda, waxaana amarka madaxweynuhu ku bixiyay in lacagtaasi lagu maal-geliyaa uu wax badan ka tarayaa Yihdi-diilada Maamulka cusubi Macaamiisha ku xidhan u bandhigay oo inay dhakhso u heli doonaan Laydh ku filan oo Jaban.




Gobanimonews




Hargeysa Office