Maamulka kooxda Aston Villa ayaa beeniyay in ay heleen dalabyo lagu doonayo weeraryahankooda Darren Bent , waxa uuna warkaan soo baxayaa xilli suuqa uu hareeyay war ah in laacibkaan uu u wareegayo kooxda Newcastle United.
Darren Bent oo 29-sano jir ah ayaa ka baxay qorshayaasha tababaraha Aston Villa Paul Lambert tan iyo markii kooxdaas uu yimid weeraryahanka reer Denmark ee Nicklas Helenius kaasi oo xagaagaan horyaalka Denmark uga yimid hal milyan iyo bar oo lacagta giniga ah .
Aston Villa ayaa haddii ay dhacdo in ay iibiyaan laacibkaasi waxa uu qiimihiisa gaarayaa 8-milyan oo gini inkastoo Aston Villa laacibkaasi sanadkii 2011-kii kaga soo iibsadeen Sunderland aduun dhan 18-milyan oo gini .
Maamulka Aston Villa ayaa ku adkeeysanaya in uusan soo gaarin dalab rasmi ah oo ku aadan Darren Bent sidaas oo ay tahay ay diyaar u yihiin in laacibkaasi ku iibiyaan qiimo gaaraya 8-milyan oo gini .
Aston Villa ayaa haatan ka sii maarmeysa laacibkaas maadaama xiddiga reer Belgium Christian Benteke uu la qabsaday qadka weerarka isaga oo xilli ciyaareedkii soo dhamaaday oo ahaa kiisii ugu horeeyay ee Ingiriiska uu dhaliyay 19-gool .
Aston Villa ayaa haatan dadaal ugu jirta in ay ku qanciyaan Christian Benteke in kooxda uu sii joogo maadaama dalab 20-milyan oo gini h uu dhawaan ka yimid kooxda Tottenham .