Monday, July 1, 2013

Dr. Aadan: Dhaawacyada Cisbitaalka Kismaayo la soo gaadhsiiyay waxay u dhimanayaan Gaajo, waxaanay jiifaan Dhulka”


Muqdisho(GNA)-Lixdan qof oo dhaawac ah ayaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo  la gaadhsiiyay Afar iyo Labaatankii saacadood ee la soo dhaafay.




Laba ka mid ah dadka Dhaawacan ee cisbitaalka la geeyay oo kala ah Islaan Da’deeda lagu sheegay 80 Jir iyo Ilmo yar ii Cunug ah, ayaa lagu soo waramayaa in Dhaawacoodu aad u culus, halka inta ale ay qabaan dhaawacyo jajab u badan.




Saraakiisha Caafimaadka ee Cisbitaalkaasi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inay dhinteen ilaa afar qof oo ka mid ahaa dadkii dhaawaca halkaasi lagu keenay, waxaanay intaasi ku dareen in dhamaan dadkaasi yihiin kuwa rayid ah oo aan qayb ka ahayn dhinacyadii Magaalada ku dagaalamayay labadii maalmood ee la soo dhaafay.




Dr. Aadan Abubakar oo ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl-gasha Cisbitaalkaasi ayaa Ideecadda VOA-da u sheegay in adeegyada  Cisbitaalkaasi aad u liitaan  oo aanay Daawo iyo Sariiro ku filan dhaawaca toona haysan, laakiinse intii karaankooda ah ay la tacaalayaan nolosha dadkaasi.




“Cisbitaalka lixdan sariiroodbaa yaala oo jajaban, dhaawacuna waxay jiifaan dhulka,  wax daawo ahna ma hayno, Cisbitaalkuna malaha meel cunto lagu sameeyo oo dadka dhaawac ah hadii aanu daaweyno, Gaajo ayaabay u dhimanayaan”ayuu yidhi Dr. Abubakar.




Waxa uu sheegay oo kale "Dadka waxa ku dhacay Xabad oo ay ku dhaawacmeen, waxaana qaarkood laga toogtay madaxa, qaarna way jajabeen"ayuu yidhi.




Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in wali xiisad colaadeed halkaasi ka aloosantahay, isla markaana mar walba ay suurto galtahay in dagaal foolka fool ahi dhaco, kuwaasoo daba socda dagaaladii halkaasi ka dhacay maalmihii la soo dhafay.




Dawlada somaliya, ayaa dalbatay in guddi baadhiseed loo diro Dagaaladii magaalada Kismaayo ka dhacay, waxaanay dhinaca kale dawladu codsaday in la geeyo Ciidamo ka socda xogaga AMISOM oo isku dhaf ah, lagana saaro kuwa Kenya.




Maleeshiyaad kala taabacsan Col. Barre Hiiraale iyo Sh. Axmed Madoobe ayaa gudaha Magaalada Kisamayo Dagaalo xoogani ku dhexmareen, waxaana dagaaladaasi ka sekow jiray Qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Kenya oo sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo Xasuuq Dad Rayid ah oo aay Ciidamada Kenya geysteen markii qaraxyada lagu weeraray ka dib.




Si kastaba ha ahaatee Dawlada Federaalka ah ee somaliya ayaa u muuqata mid aan go’aan ka gaadhin Karin xal u helida Mushkilada ka taagan Gobollada Jubboyinka, taasoo salka ku haysa kala hororsi awood maamuleed iyo dano siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan daaha dabadiisa ka hurinayaan.




Gobanimonews




Muqdisho Office