W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI

QORMADII 25-AAD
25. SOONKU WAA SIRTA ADIGA IYO ILAAHAY.
Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni shan iyo labaatanaad oo aynu kaga hadli doono Soonku waa sirta adigga iyo ILAAHAY.
Soonku waa sirta adoonka iyo Rabigii u dhaxaysa, soonku waa arinka kaliya ee Eebe isagu sheegtay inuu leeyahay, waa shay uu ilaahay kaligii ogyahay, waa arin aan abaalkiisa garan karin ilaahay mooye cid-kale ma’oga, waayo hadii aad camal qabanayso waa laguu sheegay ajarkiisa laakiin soonka Eebe wuxuu sheegay inuu isagu adoonka ka abaal marinyo, lamana ogaan karo adoonka dar alle afkiisa u xidhay iyo Rabiga u sooman yahay mooyaane, , runtii waa sir adoonka iyo Rabigii ka dhaxeyn karta hadii adoomadu wanaajiyaan soonka ay la imanayaan waxaan hubaala inuu Rabigood u abaal gudi maalinka adoonku rabo cid u gar-gaarta, laguna odhan kagal janad albaabka saa’imiinta.
Waxaanu ina tusayaa soonka inuu ILAAHAY kalidii leeyahay xadiiskii ka soo arooray Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH) kuna lahaa ‘’ camal oo dhan ibnu aadam ayaa leh, waana xasano waana loo toban laabayaa ilaa todoba boqol oo libinlaab, wuxuuna Eebe yidhi soonka mooyee, anigaa leh, anaana ka abaal marinaya, waayo wuxuu ka tagay shahwadiisii, cuntadiisii, cabidiisii, dartay, qofka soomana waxa uu leeyahay labo farxadood, farxad markuu afurayo ah, faraxad markuu Rabigii la kulmo ah ee laga abaal marinayo soonkuu aduunka ku soo soomay, Urta qofka sooman afkiisa ka soo baxsana waxay Alle agtiisa uga udgoon badantahay Urta miskiga’’ xadiiskani wuxuu inoo tusayaa inuu soonku yahay xidhiidh toos ah oo adoonka iyo Rabigii ka dhaxeeya.
Riwaayad ayaa iyadna lahayd ‘’camal oo dhan ibnu aadam ayaa leh soonka mooyee, soonka anigaa ayaa leh’’
Riwaayad bukhaari soo wariyey waxay leedahay‘’
Qofka sooman lama oga inuu sooman yahay kii abuurtay uun baa og, waayo camalada kale qofka waa la arkaa markuu gudanaya sida, oogida salaada, bixinta sakada, tagista xajka, xataa qofka waxa laga yaaba inuu is yidhaa waa lagu arka’yaaye is wanaaji, oo si fiican u tuko, lacag badan bixii, laakiin soonku intaaba wuu ka madhanyahay, ka dar Alle u af xidhan Lamana ogaan karo, fursad uu cid isku tuso way yartahay, sidaas ayuu ku noqday shay qarsoon oo adoonka iyo Rabigii ka dhaxeeya, wuxuuna noqday soonku shay kaligii Eebe isku badhaxtiro, oo xataa abaalkiisa adoonka dib loogu dhigo, runtii waa fursad wacan, sir fiican waa xidhiidh adoonka iyo Rabigiiya, aynu qurxino wada shaqayntaa inaga iyo Rabigeena.
Maxay kula tahay inaad ka yeeli sirtaa aad la leedahay Rabigaa, xidhiidhkaa qarsoon ee aad lawadaagayso Eebahaa, waxa wacan inaynu ilaashano soonkeena, wixii waxa kaa yeelaya inuu qofku ka ilaashado, waa inaad ku da’daasho cibaada’da, qiyaamu laylka, sakada oo la bixiyo intaad ku jirto ramadaan, quraan akhriska oo aad badiso, ku da’daasho ducada, intaasi waxay ka caawin karaan inuu soonkaagu kuu noqdo mid wanaagsanaada, mid kaa faxriya maalinka aad la kulan Rabigaa, wuxuu noqon mid laguugu naxariisto, mid aad naar kaga badbaado janana lagugu abaal gudo.
Waxaan u malaynayaa inaynu amaanta inbadan faa’idnay garanayna sirta Ilaahay la wadaagayno, islana qaadanay inaynu hagaajino, Soon fiicana la nimaadno, waxaan rabigeen ka baryeynaa inuu soonkeena inaga aqbalo, kuwuu soonkood loogu badalo janana Rabi naga yeelo,
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni shan iyo labaatanaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo, kuwii naarta laga xoreeyana ha inaga yeelo,sirtaa adiga iyo ILAAHAY idinka dhaxeysan hagaaji insha allah, intaan aqoon korodhsi kan xiga iskugu imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.
LA SOCO..........