Wednesday, July 23, 2014

Mucjisooyinka ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo!By: M. J. Liibaan


[caption id="attachment_91489" align="alignleft" width="300"]Qoraa sare ahna Khabiir Maamul Qoraa sare ahna Khabiir Maamul[/caption]Waxa laga joogaa muddo gaadhaysa  afar Sanaddood  wakhtigii ay xukuumadu la wareegtay xilka ay maanta hayso,ee uu M/weynaha ka yahay Mudane,Axmed Maxamed Maxamuud.




Mudadaas ay jirtay xukuumadan,wax-qabadkeeda iyo horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay oo ah mid aan indhaha shicibka laga qarin Karin,oo si cad uga muuqda gudo iyo debadba,geesina waa garanaya doqona loo sheegi mayo.




Marka aan ka gudbo waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatayba,taariikhdaa qiraysa,qirina doonta. Waxaan inta uga gudbayaa arrimaha mucjisada ah oo aan la sugayey  wakhti ay ku habboon tahay inaan u soo gudbiyo shacabweynaha S/Land,si ay u ogaadaan dayrka ku xeeran xukuumada,gaar ahaan M/weynaha oo ah  xiddiga ka iftiimaya Afrika, gaar ahaan geeska Afrika.




Mucjisooyinka ku xeeran xukuumadda,oo ah mid u baahan inay dadku ku xisaabtamaan qiimaha ay dal ahaan iyo dad ahaanba u leeyihiin, waxaan ku qeexayaa sifo samaawi ah.




Hadaba, waxay ahayd,27-ki Juulay 2010-ki oo ku beegnayd 24-kii saacadood ee Barakaysana,dadka Muslimiinta ahna qiimo weyn ugu fadhida. Koreeye Ilaahay[sw] agtiisana aan halkan lagu soo koobi karayn  qiimaha iyo fadhliga ay ku fadhiyaan Habeenka iyo Maalintaasi. Waana Habeen & Maalin aan soo marin saddexdi M/weyne ee soo maray dalkan,siiba dalalka muslimiinta ah horeysiyo dambaysoba aanay weli soo marin maalintan iyo habeenkan barakaysan oo kale,M/weyne ka mida inta aynu kor ku soo xusnay. Waana Habeenka 15-ka Shacbaan .




Waxaa laga soo wariyey,Abu Hurayrata [RTC] wuxuu yidhi isagu,Rasuulka[SCW] ayaa yidhi, waxaa ii yimid, Jibraa`eel[cs] Habeenki  15-ka,Shacbaan waxaanu igu yidhi,Yaa MOXAMMAD [SCW]habeenkan Caawa ah, waxaa la furaya Albaabada SAMADA & Albaabada  RAXMADA ee Istaag oo tuko,madaxa iyo gacmahaagana ilaa Samada kor u qaad.NABIGI[scw]ayaa ku yidhi, Jibriilow[cs] waa maxay habeenkani,maxaase dhacay….? Wuxuu igu yidhi, habeenkan waxaa la furayaa  saddex boqol oo ka mida Albaabada  RAXMADA. Waxaana loo dambi dhaafaya guud ahaan inta  aan u shirki yeelin Ilaahay[sw] ee aan ahayn,saaxiriinta,faaliyayaasha,laaluush qaataha,kuwa  khamriga caadaystay,kuwa u socda Sinada,kuwa Ribada cuna,waalid caasiga,Namiimiyaha,kuwa jara Riximkooda[Qaadico Rixim] kuwaasi looma dambi dhaafayo,ilaa ay ka toobad keenaan oo ay ka tagaan.




Jibriil [cs ] ayaa ku yidhi,yaa MOXAMMAD[scw] kor u qaad madaxaaga oo eeg Samada,maxaad  arkaysa…..?  NABIGI[scw] ayaa eegay waxaanu arkay albaabadi  Samada oo furan iyo Malaa`igti  Samada aduunyada iyo kuwi Carshiga oo Sujuudsan,isla markaana dambi dhaaf u dalbanaya  UMMADDA  NABI  MOXAMMAD [ SCW ]. Waana habeenka iyo maalinta,xisaab xidhka ee la furayo Diiwaanka Cusub lana xidhayo Diiwaankii hore oo ah,sannad walba habeenka 15-ka Bisha  Shacbaan ayaa la xidhaa,Camalkii Sannadkaas oo dhan Samaan iyo xumaan. Waxaana la furaa  Diiwaan  Cusub oo bilow u ah adoomaha  oo dhan.




Waxaa haddaba,mucjiso noqotay inuu M/weyne Axmed Moxammad Maxamuud,la kowsaday  habeenka iyo maalinta barakaysan ama 24ka saacadood ee barakaysan,Diiwaanka cusub iyo xilka ugu sareeya aadamaha oo maalintaas lagu wareejiyey iyo madaxweynihii ka horeeyay oo ku dhamaystay Diiwaankii xisaab xidhka oo la laabay ama la xidhayba samaan iyo xumaan wuxuu lahaa oo dhan. Waxaanay taasi  markhaati cad u tahay inuu yahay shakhsi haybad iyo sharaf weyn  xambaarsan oo  dalkan iyo dadkiisaba u horseedaya halka ay higsanayaan.




Mucjisada labaadna waa saddexda magac ee uu sito oo Cisi iyo Karaamo ku leh,Ilaahay[sw] agtiisa. Fadhliga  magacyadani ay leeyihiin,waxaa noo xadiisay ama noo sheegay; Axmed bin  C/llaahi,wuxuu yidhi,Awowgay,isna Aabbahay,Abul Cabbaas,sidqata bin Muusa bin  Tamiim  bin  Rabiicata bin damratul Qanawi Mawla Caliyi bin Abi Daalib,waxaa noo sheegay Abi oo ka soo xigtay Xumaydal Dawiil isna uu ka soo xigtay, Aanis binu Maalik [ RTCH ] wuxuu yidhi,Rasuulka [scw] ayaa yidhi,laba adoon ayaa Ilaahay[sw] gacanta loo soo galinaya,kadib wuxuu ku amraya inay JANNADA galaan. Labadi adoon ayaa odhanaya,Rabbigayagiiyow maxaanu ku mutaysanay Jannad….camalkeediiba lamaanu iman ama maanu soo shaqaysan…? Koreeye Ilaahay[sw] ayaa ku odhanaya,waxaad adoomadaydiiyow Jannada ku galaysaan…. Anigu waxaan ka xishoonaya  adoon magaci  Xabiibkayga leh inaan  NAARTA  galiyo.




Culimo badan oo uu midba midka kale ka soo xigtay,NABIGANA[scw] ay ka soo wariyeen,ayaa yidhi,NABIGA[scw] ayaa nagu yidhi,ka carruurtiisa labadan magac  Axmed iyo Moxammad u bixiyaa,waa mid barakaysan  isaga iyo wiilkiisuba Jannada ayey galayaan. Qaar kalena waxay yidhaahdeen,haddaad u bixisaan labadan magac mid ahaan waji farxad leh ku soo dhaweeya, karaamo yeela,ha ka cadhaysiinina,hana huruufina. Haddaba magacyadan shakhsiga xambaarsan,ma laga filaya inu shicibkiisa khayaali ku maaweeliyo….? Jawaabtu waa  Maya. Eeg  kitaabka sacaadatul  daarayn,bogg.393—399 .




Waxaanu shaki ku jirin oo hubaal ah,xisbiyada mucaaridka iyo shakhsiyaadka xag jira,shirqool kasto oo ay doonayaan inay ku mijo xaabiyaan,wax guul ah kama gaadhayaan,siiba war xume tashiilku ciddi us-kageed kama dhimi karaan ,nidaamka iyo hawl maalmeedkiisa uu ku gudanayo waajibaadkiisa shaqo. Taa waxaa raaca inta aan kor ku soo xusay hadday soo hor fadhiistaan, iyagoo cadhaysan waxay ka soo baxayaan iyagoo QOSLAYA. Tallaabo kasto uu qaadona guul    mooyee,kuma guuldaraysanayo waanu ka wada buruud weyn yahay. Sidaas darted,yaan laga  cadhaysiin,yaan la qallin daarin ee ha loo daayo  Xilka loo igmaday.




Mucjisada saddexaad ee ka dahsoon shicibka ama aysan ku xisaabtamin,waxaa weeyaan Safarkii  dheera ee uu Gobollada bariga oo dhan ku soo maray,iyadoo uu hore u soo maray Gobollada  galbeedka S/Land.




 Safarkan oo baal Cusub ayaa Taariikhiya u furay Xukuumadan,isla markaana uu  noqday M/weynihii u horeeyey oo Safar noocan oo kale ah ku taga inta Gobol ee uu dalkani ka kooban yahay. Waxaanu safarkaasi u quus gooyey,cid kasto cadow u ahayd gudo iyo debadba. Waxaa taa u raacda ka qayb galkii shirkii London,oo argagax , amakaag iyo fajiciso ku noqotay TFG-da soomaaliya[sheikh shariif]iyo cid kasto olole ugu jirtay midnimada soomaaliya.




Arrimahaas iyo kuwo kaleba,waxay kor u qaadeen sumcada iyo sharafta aynu ku leenahay Caalamkan,kuwaasoo fikirkik ay ka haysteen S/land ay wax weyni iska bedeleen,isla markaana u qireen horeysiyo dambaysoba waxay qabsatay,kuna booriyeen  inay iyago laba dawladood ah  miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay Dawlad saddexaadna dhexdhexaadiso,taasina waxay ku timid go`aankii geesinimada lahaa ee uu shicibkiisa u soo bandhigay,kala tashaday in shirkaas laga qayb galo oo aynu aduun weynaha u soo bandhigno waxaynu doonayno iyo waxaynu diidan nahayba,mawqifkeenana aynu halkaa ka caddeyno........iwm.




Wax qabadka xukuumadan halkan laguma soo koobi karo;balse,sannadkan u dambeeyey ayeynu inta u muhiimsan ka soo qaadanaynaa.




Marka hore waxaynu soo qaadanayna wacdarihi  iyo geesinimadi uu ku qaadacay inuu ka qayb galo shirki koofurta soomaaliya loogu qabanayey dalka Ingiriiska,go’aankii uu ka qaatay ee uu Ra’isal wasaaraha D.Cameron uu ugu jawaabay Af iyo qoraalba,inaanu shirkaasi khusayn JSL.ka qayb galkiisuna uu xaaraan yahay. Isla markaana ay shicibweynaha Somaliland-na aad ugu khushuuceen kuna taageereen go’aankaa geesinimada leh ee uu ku qaadacay shirkaasi….iwm.




Waxaa kaloo xusid mudan oo aan marna qarsoomayn,isla markaana M/weynayaashii soo maray ama ka horeeyeyba aanay hoosba u eegin hay’adaha Dawladdu dhismayaasha ay ku jiraan oo aan marna loo arki jirin Xafiisyo dawladeed,muuqaalkooda gudo iyo debadba leh oo aan lahayn qaab xafiisyo dawladeed ah…..iwm.




Haddaba,maanta bal ka warama shicibow,dhismayaasha cusub ee hay’adaha dawlada loo dhisay iyo kuwa dhismahoodu socdo oo aan halkan lagu soo koobi karayn iyo muuqaalkooda bilicda san ee gudo iyo debadba leh,maantana u muuqda xafiisyo maamul iyo nidaam leh oo la tartami kara dowladaha aynu jaarka nahay iyo kuwo kaleba.




 Waana arrin ay iska indho tiraan kuwa af-lagaadeynaya,cambaareynaya iyagoo arkaya wax qabadka iyo horumarka ballaadhan ee ay xukuumadani gudo iyo debadba ku tallaabsatay, hortii jirena awoodi waayey inuu wax is-bedela ku sameeyo hay’adaha loogu adeego shicibweynaha iyo Ajaanibka dalka soo booqda… iwm.




“Qof kasto dar-dar kululna dabar lagu ceshaa jira”.




waxaan leeyahay mucaaridow cadhuuftaada  dib u liq,oo ha ku hungoobin hadal aan wax kuu soo kordhinay,sharaftaada iyo sumcadaadana  waxaan jirin ka dhigaya…iwm.




 Waxaan leeyahay waa M/weyne dalkiisa iyo dadkiisaba daacad u ah oo aanu jirin shakhsi maanta lagu doorsan karaa.




24/06/013,waxaa ugu buuxsamay saddex  sannadood,oo ku beegan  15-kii shacbaan iyo isku shaandhaynta golaha wasiirada oo bog cusubi u furmay kii horena la laabay,waana guul u soo hoyatay JSL.oo dhan.




Waxaan ku soo afjaraya maqaalkan  in M/weynaha loo daayo taladiisa iyo  go`aanka uu ku meel marinayo wax qabadkiisa dhaw iyo kan fogba.




waxaana hubaal ah haddii  aan la qalin daarin inuu kaga dhabayn doono himiladiisa uu ku doonayo,inu dalkani noqdo mid loo soo shaqo tago,balse aanu noqon mid laga tahriibo ama laga cararo.




Waana M/weyne, Daacad u ah shaqadiisa oo aan cidna u habranayn. Shir kastoo uu  goob joog ka yahayna uu ku helayo wuxuu markaas ka doonayo ama uu ka dalbanayo .




Muwaadin ha ka hadhin tareenka,maalin aan fogayn waxaad arki doonta busaaradi oo jabtay iyo shicibweynihi S/land oo yar iyo weynba u DUCAYNAYA,M/weyne,Axmad Moxammad Maxamuud. Waxaana kaaga filan mucjisooyinka aan kor ku soo xusay,oo ka turjumaya  Barwaaqada iyo Nimcada ku soo fool leh   JAMHUURIYADA  S/ LAND.




Allaa     Mahad   Leh




Qorre: Maxamed-aamin Jaamac Liibaan




Qoraa sare/ ahna aqoonyahan




Hargeysa/Somaliland




Tel: 0634424603