Wednesday, July 23, 2014

Shirkaddaha waaweyn ee Diyaaradaha oo joojiyay Duulimaadyadoodii Israel


Madaarka Caasimada  Yuhuudda oo lagu garaacay Gantaalo




<img data-cke-saved-src="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/canaddas-300x168.jpg" src="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/canaddas-300x168.jpg" alt="Shirkadda Diyaaradaha Canada oo caawa go'aansatay" width="300" height="168" class="size-medium wp-image-91483 wp-caption alignleft" data-cke-caption=" id=&quot;attachment_91483&quot; align=&quot;alignleft&quot; width=&quot;300&quot;" data-cke-caption-text=" Shirkadda Diyaaradaha Canada oo caawa go" aansatay'="" title="" style="">Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Tel Aviv, ayaa la hakiyay wakhti aan cayimayn, kaddib markii ay maalmihii ugu dambeeyay Gantaaleyaal ku ganeenayn dhaqdhaqaaqa Ururka Xamas iyo Fatax ee reer Falastiin.




Shirkaddaha Diyaaradaha ee Dalalka Maraykanka, Canada iyo wadamada reer Yurub qaarkood, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay joojiyeen Duulimaadyadoodii u qorsheysnaa inay ku tagaan Madaarka Diyaaradaha Ben Gurion Airport




Shirkadda Air Canada, ayaa caawa xaqiijisay inay hakisay Duulimaadkeedii Toranto to Tel Aviv, cabsi dhanka ammaanka awgeed, waxaanay sheegeen inay arbacada beri duulimaad ku tegi lahaayeen Tel Aviv balse ay dib u qiimeynayaan xaalada ammaanka ee Madaarka.




“ET. Airline waxay sii wadi doontaa in ay qiimeeyaan xaalada taagan isla markaana waxaanu dib u cusboonaysiinaynaa shaqada xiliga loo baahdo”sidaas waxa sheegay Caawa Afhayeenka Shirkadda diyaaradaha ee CANADA.




Hakadka ku yimi duulimaadyada Diyaaradaha, ayaa dhaawac dhaqaale ku ah Dalka Srael, sida ay sheegayaan khubarada dhaqaaluhu, waxaanu dakhliga Tel Aviv aad ugu tiirsanaa Madaarka.




Afhayeen u hadlay Dawladda Israel ayaa sheegay in xidhitaanka Madaarku wakhti kooban ay noqon karto, kase mihiimsantahay in ammaanka la sugaa “Xidhitaanka garoonka diyaaradaha mudo 24 saacadood ah waa wax yar, waxaana  ka muhiimsan saameynta weerar. Waxay ku xirnaan doontaa muddada ay socon doonaan, "ayey tidhi.




"Wareegii cadaawadda, markii ugu horeysay ee 20-cajiib ah, ee aannu aragno gantaallo gaari kara xarunta dhaqaalaha reer binu Israa'iil, taas oo ah xarunta Tel Aviv," ayay ku dartay.




Waagii hore, maalgashiga shisheeye iyo koritaanka aan saameynay ayay colaaduhu ka bilowdeen”ayay sii raacisay.




In ka badan 2,000 Sayruuq, ayaa Kooxaha reer Falastiin ku tuureen dalka isreal, kuwaasoo qaarkood ku waajahnaayeen Madaarka Diyaaradaha ee Tel aviv.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com