Wednesday, July 23, 2014

Roob ka da’ay Gabiley Deegaamo Gurmad biyo dhaamis ah loo diyaariyay


Gabiley(GNA)-Roobab lagu qabowsaday ayaa ka da’ay deegaamo badan oo ka mid ah Gobolka Gabiley, xili qaylo dhaan abaar iyo biyo la’aan ahi ka taagnayd gobolkaasi bishan oo dhan.




Degmooyinka Wajale, Geedbaladh iyo Allayabday, ayaa dhamaantood la sheegay inuu Roobku ka da’ay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay Gobanimonews u sheegeen dadka ku sugan deegaamadaas qaar.




Gobolka Gabiley, ayaa waxa uu ku wanaagsanyahay xagga wax soosaarka Beeraha, khaasatan Beeraha Roobka, waxaana ku yaraa raxmadda, xiligii Guga.




Magaalada Gabiley ayaa sidoo kale Roob ku da’ay, iyadoo Magaalada Hargeysa iyo deegaamo labada magaalo u dhexeeyana habeenkii xalay waxoogaa daruur ahi biyo dhigtay meelo.




Golaha Deegaanka ee Degmada Gabiley ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay gurmad loo fidinayo dadka iyo duunyada ku nool Dhulkan roobabku ka da’een.




Ilaa Boqol Booyaddood oo Biyo ah ayaa la doonayay in loo diro Deegaamadaas, ka hor intaanay Raxmadda Ebbe Maashaynin.




Deegaamo badan oo ka mid ah galbeedka Somaliland ayaa abaarta iyo biyo yaraanta laga qaylinayay ilaa Bishii June.




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com