Dawladda Maraykanka iyo Canada oo Cambaareeyay Dilka Xildhibaanka...Hooas ka Daawo warbixin Muuqaal ah..
[caption id="attachment_91533" align="alignleft" width="300"]
Bilayska oo baadhaya Gaadhigii lagu siday[/caption] Koox Dablay ah ayaa Toogasho ku dilay iyada iyo Wadihii Gaadhigeeda Xili ay ku sii jeedeen Hudheelka ay ka degenayd Magaalada Muqdisho.
Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinaynaa Warbixin Muuqaal ah oo uu baahiyay Telefishanka Somsat, taasoo iftiiminaysa siduu dilku u dhacay iyo waxay saraakiisha Dawladdu ka yidhaahdeen.
[caption id="attachment_91534" align="alignleft" width="300"]
goobtii lagu toogtay[/caption]
Halkan ka Daawo:
Saado Cali Warsame waxay ahayd Mawaadinad Soomaaliyeed oo haysata Dhalashada Dalka Canada.
Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia Nickolas Kay ayaa si adag u cambaareeyay Dilka foosha Xun.
Masuuliyiin u hadlay dawladdaha Maraykanka, Canada iyo EU-da ayaa si kulul iyaguna u cambaareeyay.[caption id="attachment_91514" align="alignleft" width="300"]
ALLE HA NAXARIISTEE SAADO CALI[/caption]
Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna la sheegay inuu cambaareeyay falka lagu dilay Alle ha naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame.
Saado ayaa ka mid ahayd hormuudkii Fanka Soomaalida xilligii Dawladdii Milateriaga ahayd, waxaana lagu xasuustaa Sidii ay Suugaanta ugu dhaliili jirtay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xili ay cabsi darteed dadku dhaliishiisa aanay xan ku sheegi jirin.
Waxa ka mid ah riwaayadihii lagu dhaliilayay nidaamkii siyaad barre ee ay heesaha tooska u duraya ka qaaday “Land-cruiser Gado” (Xoriyo).
Filasho wacan Taariikh nololeedka Marxuumada iyo warbixino kale…