Taarriikhdu iyadaa is qorta , shacabka soomaaliland uma fadhiyin ficilkan foosha xun ee ka yimmi xisbiyadda mucaradka ee WADANI IYO UCUD, oo looga fadhiyey han iyo halabuur siyaadaseed si ay u hantaan rabitaabka shacabka soomaliland, isbedel siyaasadeedna ay u samayn lahaayeen, haddaba waxaa
la yaab ah tammar darrada ka muuqata xisbiyadan iyo sida ay uga faqriyeen dhanka siyaasada.
MAANTA oo la joogto qarnigii 21naad , siyaasaduna ay sii iba furmayso, maalinba maalinta ka dambaysa looma fadhiyo in magaado qabrigeeda laga dul ooyo , oo la soo toosiyo- iyadoo weliba la weydiisanaayo, taageero iyo hiil siyasadeed, xaajiyadda alla ha u naxariistee, markay weydiisay wadani iyo ucud waxa laga rabbo , waxay u sheegeen in nin la yidhaahdo siilaaanyo , uu ifka ku dhibay, iskana dhicin kari waayeen sidaa darteed ay ugu baahanyihiin taageero bilaa shuruud ah.
Xaajida oo yaabsan ayaa ku yidhi- waar miyaydaan alla ka yaabayn- waxaan mootanaa qarniyo badan wax laysku haystana maba ogi- siilaanyo ma aqaan , waxaan idinka sugayey, duco iyo inaad alla ii weydiisaan inuu ii dambi dhaafo- haddii aydaan waxba ii tarayn- fadlan iga dul dhaqaaqa oo weliba kan aad siilaanyo ku sheegaysaan fariin iga gaadhsiiya - waxaadna ku tidhaaahdaan, aayo ii soo ducee malaha isagaa idin raganimo dhaama'e.
alla ha u naxariisto- magaado.
mahamud mohamed jama.