[caption id="attachment_92122" align="alignleft" width="300"] Dabaabadaha Yuhuudu ku garaacayso GAZA[/caption]Gaza(GNA)Israel iyo Ururka Xamas ayaa ogolaaday Xabad joojin socon doonta 72 saacadood oo ka bilaamaysa Saaka 8 Subaxnimo xilliga dalkaasi.
Xabad-joojinta ayaa looga dan leeyahay in Kooxaha gurmadku ay fursad u helaan la tacaalida dadka ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee socday maalmihii ugu dambeeyay todobaadkii laga soo gudbay.
Laakiinse sida lagu soo waramayo dagaalka ayaa socday ilaa goor dambe oo xalay ah.
17 qof oo lagu dilay deegaanka Khan yonis ayaa 10 ka mid ahi waxay ka soo jeedeen isku qoys.
Xabad-joojinta ayaa ku timi dedaalo ilaa xalay socday oo ay Maraykanka iyo qaramada midoobay hogaaminayeen.
Afhayeen u hadlay Ururka Xamaas ayaa sheegay inay dhankooda aqbaleen xabad joojinta, si ay dadku gargaar bina-aadanimo u helaan.
Sidoo kale Reysal-wasaaraha Yuhuuda ayaa la xaqiijiyay inay xidhiidh la sameeyeen Madaxda Maraykanka iyo Qaramada midoobay, kaasoo ka aqblay xabad joojinta.
Magaalada GAZA ee Cariga reer Falastiin ayaa maalmihii la soo dhaafay ay duqeymo joogto ah ku hayeen Milateriga Yuhuudu.
Warbaahinta ayaa baahinayay Muuqaalka Magaalada oo qiiq iyo Holoc isku bedeshay, iyadoo ay la rumaysanyahay inay dad aad u tiro badani ku dhinteen.
Dagaalka socda ayaa galay todobaadkii afaraad, iyadoo aan ilaa hada wax waan waan ah oo xal lagu gaadhi karo dhinacyadu ku soo dhawaan.
Xaalada ayaa u muuqata mid faraha laga laabtay oo ay si aan gabasho lahayn Reer Galbeedku ugu taageerayaan Yuhuuda xasuuqa dadka laga awooda badanyahay ee reer Falastiin.
Laakiinse kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa madaafiic ku garaacayay Magaalooyin ku yaalla gudaha dalka Sreal.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com