Hoos ka Daawo mid ka mid ah Mulkileyaasha kaalmaha Shidaalka oo ka waramaya sababta korodhka Qiimaha Patrolka sababtay..
[caption id="attachment_92042" align="alignleft" width="300"] Mulkilaha Kalinta Shidaalka [/caption]Hargeysa(GNA)-Qiimaha Shidaalka (Patrol-ka) ayaa kor u kacay Somaliland dhowrkii todobaad ee ugu dambeeyay, siiba Patrol-ka oo ay Litre-kii ku kordhay lacag gaadhaysa 0.05 (1000 shls).
Sicir bararka ku yimi Shidaalka, ayaa ka dhashay kala go’ dhinaca Shidaalka Dibada ka yimaada oo sida la sheegay todobaadyadii ugu dambeeyay hakad ku yimi, kaddib la xidhay Suuqyadii ay Ganacsatada Somaliland shidaalka ka soo iibsan jireen.
“Patrol-ka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay Niman Ganacsato ah oo Shidaal Uruuris ah oo laga keeno wadamada Carabta sida Ciraaq iyo Iraan, Shidaalkaasi waxa lagu uruurin jiray deked yar oo ku taala Imaraadka Carabta, waxaana wada shaqaysan jiray oo laga soo iibsan jiray Niman Carab ah iyo Soomaali, marka Nimankii waa la xidh-xidhay, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireena waa la xidhay, markaa halkaas ayaa shidaalka qaaligiisu ka yimi”ayuu yidhi Maxamed Sugule Axmed oo ah Mulkilaha Kaalinta Shidaalka ee Tawakal ee Magaalada Hargeysa oo Gobanimonews u waramay.