Borama(GNA) Dadwaynaha reer Boorama ayaa dareen cadho leh ka muujiyay dhacdo ugub ku ah dalka Somaliland oo ka dhx dhacday muurayadii umadu iska arkaysay ee TV-ga Qaranka Somaliland, kadib markii la sheegay in Maareeyaha TV-gaasi uu sabab aan la garanayan salkase ku haysa hayb qabiil uu isku hortaagay Waraysi ay habeenimadii Ciida SLNTV siinaysay Fanaanada Wayn ee Idil Barkhad Cumar
Shabakada oo dadwaynaha makarafoonka la dhexmartay ayaa waxaan lakulantay Maxamed Ibraahin waxaana uu yidhi “Waxa nasiibdaro ah in layidhaahdo maareeyaha ayaa hayb ahaan uga joojiyay waraysigii uu TVgu layeelanayay Fanaanada Idil Barkhad arintaasina waxay wiiqaysaa nidaamkii dawladnimo iyo wada lahaanshihii qarnakan taasina maaha mid loo baahan yahay”
Waxa isguna dareenkiisa cabiray Cabdiraxmaan Cali Warsame waxuuna carabka ku dhuftay in waxa dhacay uu yahay wax lala yaabo“Xalay ayaa warbaahinta waxaan ka maqlayay Wasiir Cukuse oo umada reer Somaliland ka tacsiyadaynaya Fanaaniinta Geeska oo TVga Qaranka somaliyeed siiyay waraysi, waxaanan layaabay waxa uu wasiirku uga hadli waayay waxa ka dhacay TV-gii Qaranka Somaliland dhxdiisa, Wasiirka waxaan waydiinayaa goorta ay fanaaniintu xuduud yeesheen waxayna somalidu ku maahmaahdaa “Tiisba daryeele ayaa ta kalena ku dara” wasiirku wasaaradiisa ayuusan ogayn waxa ka dhacaya maxuu fanaaniinta kale wax kaga sheegaa”
Kaafiya Maxamed oo ah muwaadin reer Somalialnd ah ayaa iyaduna canbaaraysay falkaasi foosha xun e uu ku kacay Maareeyaha SLNTV Khadar Cali Gaas, waxana ay farta ku fiiqday sida arintu u tahay mid aan loo dulqaadan karin “Anigu cina wax ka sheegimaayo laakiin xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay TVga Qaranka waa meesha kaliya ee qarankan laga daalacan karo markaa waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsato cida loo dhiibayo ee larabo inay maamusho waa qof caynkee ah waxanan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa maaha inloodhiibo qof cunsuri ah ama marka horeba lagu geeyay hab qabiilaysan TV-g Qaranka ooah mmuraayadii Umada reer Somaliland”
Muwaadin kale oo magaciisa ku sheegay Axmed Shanle ayaa yidhi “Idil Barkhad waa muwaadinad reer Somalilad Ah, waxa taariikhda dalka ku xusan kaalintii uu aabaheed Barkhad Cumar ka qaatay dib u dhiskii dalkan, waxa ay leedahay xaq walba oo uu leeyahay qof muwaadin ah, ma fahmin sababta uu maareeye Qurbaha laga keenay isku hor taagay Barnaamij ay dadka shacabka ah ee taageera fanaanadu ka daawanayeen SLNTV, waa qaran dumisnimo waxaasi, waa wajigabax iyo fadhiidnimo wasaarada Warfaafinta Somaliland hadhaysay, waa arin saamayn wayn igu reebtay, waxana aan is waydiinayaa maareeyaya ma waxa lagu yidhi Idil Barkhad waxa ay ku jirtaa xisbiga UCID mise Wadani, ilayn mucaaridka ayaan ku ogayn inay xukuumadu ka sasto’e”
Sikastaba ha ahaatee dadwaynaha reer Boorama ayaa deereen cadho leh ka bixiyay talaabada uu maareeye Gaas ku hor joogsaday waraysigii Fanaanada Idil Barkhad waana markii u horaysay uu qof muwaadin ah laga horjoogsado waraysi uu la yeenanayay TVga Qaranku,
Gobanimo News
Borama Office