Saturday, May 10, 2014

Xildhibaan Xuseen: Runta haloo sheego Odayaasha Muqdisho ka yimi”


Cabdirashiid Cabdilaahi: Soomaaliya waxay markii ugu horaysay innagu soo qaaday Dagaalkii Qaboobaa..”warbixin




CissaHargeysa(GNA)-Xuseen Cismaan Cabdi oo hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, isla markaana muddo ka badan shan iyo toban sanadood ku soo jiray saaxada Siyaasadda, ayaa ka hadlay qadiyada Somaliland iyo imaanshiyaha Wefti dhaqameed Koonfurta Somaliya ka yimi oo dood ka dhalisay gudaha Somaliand, kaddib markii ay saddexda maalmood ka hor Hargeysa soo gaadheen.




Xuseen Cismaan Cabdi, ayaa soo dhaweeyay weftiga Reer Koonfurka ah, waxaannu taliyay in runta loo sheego, isla mar ahaantaana ay dalka joogaan ilaa Maalinta 18 May oo Somaliland looga dabaal-degayo sanad-guurada 23-aad ee xuska dib ula soo noqoshada xoriyada si ay indhahooda ugu arkaan Xaqiiqada halkan taala.




“anigu waxaan soo jeedin lahaa laba qodob. Qodobka koowaad waxa weeye waxaan ku talin lahaa in Odayaasha runta loo sheego, ilaa 18may marka la xusoyana ay dalka joogaan si ay indhahoodu xaqiiqda ka jirta Somaliland rabitaanka shacbiga ogaadaan, oo Odayaal, Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameedba lagula taliyo inay maalintaa inala xusaan”ayuu yidhi Xuseen Cismaan cabdi oo Gobanimonews waraysi siiyay.




Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “qodobka labaad waxa weeye waa in loo sheegaa Odayaashan in Somaliland dhiig badani ku daatay oo nafo badani kaga maqanyihiin koonfur, diyaarna ay u tahay hadii ay Koonfuri ilaalin waydo walaalnimada iyo Jaarnimada in dhiig kale loo qubo, hadii nalugu khasbo.




Waxa kale oo intaa ku darayaa oo aan Odayaasha leeyahay hadii aan hore xaqiiqda layduunku sheegin  jirin, maanta arka oo waxaad Somaliland kala kulanteen u geeya Dawladda Somaaliya oo na qoonsada”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Cabdi oo dhinaca kale , ka mid ahaa xilsugeyaasha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa oo uu ka mid ahaa Musharixiintii ku tartamay doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee dalka ka dhacday bishii December ee sanadkii 2012-ka, ayaa sheegay inaannu dawladda ku dhaliilayn Ogolaanshiyaha inay Odayaashani dalka soo galaan.




Waxaanu yidhi “Anigu dawladda kuma dhaliilayo , waayo waxaan u arkaa in loo baahnaa inay nimankani indhahooda wax ku arkaan”ayuu yidhi.




Wefti dhaqameedka Muqdisho oo la diidanyahay




Dadka Reer Somaliland ayaa wali dareen aan midaysnayn ka aaminsan Weftigan Kontonka Oday ka kooban.




“Waxa loo soo diray Somaliland ku qanciyaan inay Calankii Lixdankii Somaliland geeyeen koonfur, ay iyaguna maanta hargeysa keenaan, laakiinse wax u suurto gelaya maaha”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Masuul sare oo ka tirsan dawlada Somaliland.




Cabdirashiid Cabdilaahi Aw-cabdi oo ka mid ah Dhalinyarada Somaliland ee wax baratay, ayaa isaguna walaac ka muujiyay ujeedada Weftigan “ waxaan u arkaa inay Somalia inagu soo qaaday Dagaalkii qaboobaa, oo ay doonayaan inay kala furfuran bulshada Somaliland”ayuu yidhi.




Sababtoo ay tahay waxay ku soo beegmeen xili habqan siyaasaddeed dalka ka jiro oo wax badani u suurto gelayaan, markaan waanu ka soo horjeednaa”ayuu hadalkiisa raaciyay  Cabdirashiid Awcabdi.




Axmed “Dalka waxa ka jirta dawlad, waxa dhacaysa iyadoo aan dawladdu waxba ka ogayn ayay Madaxdhaqameedkii Somaliland marba ciday doonaan ay la kulmayaan oo waxay doonaan u sheegayaan.




Markaa waxaan aaminsanahay inay fursad badan heleen oo dadka ay la kulmayaan qof waliba wuxuu doonayo uu u sheegayo”ayuu Gobanimo u sheegay.




Xubno Xaasaasiyad laga muujiyay Mudhay




Xubin ka mid ah Weftigan oo ka qayb-galay Wadahaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa markii uu ka soo dhex muuqday Odayaasha, dadku si weyn dhegta u taageen, kaasoo sida wariyay kulamadii uu ka qayb galay ee labada waddan yeesheen aad uga soo horjeeday doodda Somaliland qabto ee gooni u goosadka.




Dadka Somaliland oo xiligan qadiyada xusuusan




Somaliland ayaa xiligan waxa looga diyaar garoobayaa xuska 23 sano-guurada gooni-isutaaga dalka.




Dadka ayaa xiligan oo kale aad u xamaasadaysan, isla markaana si ka duwan wakhtiyada kale qadiyada dalkooda u weyneeya.




Asxaabta Mucaaridka




Xisbiga ucid ayaa shalay la kulmay Weftigan, waxaanay kala hadleen ujeedada socdaalkooda, inkasta oo markii ay dhegeysteen qadiyada adag ee Somaliland ugu fal-celiyeen.




Si kastaba ha ahaatee Odayaashan reer Muqdisho ayaa sheegay inay Somaliland u soo doonteen aqoon korodhsi la xidhiidha  nidaamka dawladnimo iyo qaabka ay ugu saleeyeen dhaqanka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com