Saturday, May 10, 2014

Wasiir Xaglo-toosiye oo maanta Booqday Deegaan ku caan ahaa Faran Dagaal.Daawo


Reer Sool-joogto oo laab furan ku qaabiley Wasiir xabad ka dulqaaday markii uu xilka qabtay …Hoos ka Daawo




  vlcsnap-2014-05-11-08h30m58s203Sool-joogto(GNA)-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Maanta gaadhay Deegaanka Sool Joogto oo Magaalada Buuhoodle u Jirta 25KM, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.




Deegaanka Sool-joogta oo ka mid ah Deegaamada u dhexeeye Magaalooyinka Buuhoodle iyo Qorulugud, ayaa faran-dagaal ku caan ahayd xiligii ay Colaadihii ehliga ahaa ee Kalshaale ka dhacay iyo Dagaaladii dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyadka Khaatumo ay iska horimaadyo ku dhex mareen labada ciidan.vlcsnap-2014-05-11-08h29m56s156




Sool-joogto ayaa muddo fadhiisiin Ciidan u ahayd Ciidamada Qaranka Somaliland,kaddib markii ay ka qabsadeen Maleeshiyaadka dhinaca Buuhoodle oo xarun abaabul ka samaystay, waxaana laga raray markii ay Somaliland iyo Wasiir Xaglo-toosiye heshiiska siyaasaddeed ku xaliyeen mushkiladii deegaanka ka taagnayd ee Gulufka siyaasaddeed isu bedeshay.




Wasiir Saleban Ciise Axmed  ayaa markii la soo dhaweeyay, kaddib Dadka deegaanka la hadlay, waxaanu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka iyo adkeynta nabad-gelyada “reer Sool-joogto waxaan leeyahay way dhamaatay dhibaatadii halkan ka jirtay sidii aynu ku dhamaynay waad ogaydeen. Maanta waxaad nasiib u yeelateen inaad ka mid noqotaan deegaamo dhawr ah oo Mashaariic laga hirgelinayo”ayuu u sheegay Bulshada.




Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee uu madaxda ka yahay ayaa Xarun Caafimaad ka hir-gelinaysa Magaaladaasi, taasoo uu Wasiirku si rasmiya u dhagax dhigay.




Xubno ka mid ah Odayaasha Deegaankan ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxqabadka Dawladda ee soo gaadhay markii ugu horaysay, waxaanay dhankooda balanqaadeen inay ka qayb-qaadanayaan horumarinta Deegaanka ee dhinacyada amniga iyo kala dambeynta.




“waxaanu uga mahadcelinaynaa Wasiirka iyo weftiga la socda waxqabadka, waxaannan diyaar u nahay inaanu qaybtayada ka qaadano”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Afhayeen u hadlay dadka Deegaanka ku dhaqan.




Deegaanka Sool-joogto, ayaa 20KM Masaafo gaadhaysa u jira Degmada Qorulugud oo Gobolkaasi hoos-tagta, taasoo xarun u ah Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle oo sababo ammaan iyo mid siyaasaddeed Buuhoodle u geli waayay.




Degmadan ayaa ka mid ah Meelaha ay iska soo gaadhaan  Bulshooyinka Reer Guuraaga ah ee sanadkii 2011-kii xurgufta Dhuleed ku dhex martay Kalshaale.




Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed ayaa wali ku guda jira socdaalkiisa uu ku joogo Gobolka Buuhoodle, isagoo sida uu sheegay Mashaariic badan hir-gelintooda Seeska u dhigaya .vlcsnap-2014-05-11-08h29m49s86




Halkan ka Daawo Mashaariicda uu dhagax dhigay Buuhoodle iyo Khudbad uu u jeediyay:




Najiib Cabdi wali  Cabdirashiid




Gobanimonews




Buuhoodle Office