Tuesday, May 6, 2014

Xildh. Warfaa oo Isu-sharaxay "Guddoomiyaha Golaha dhexe" Kulmiye.Dhegeyso


“Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) Waa Siyaasigii labaad ee Jebiya Darbigii Kootada ahaa ee lagu xidhay doorashadii hogaanka Xisbiga".Hoos ka dhegeyso




Warfaa2Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) , ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay Jagada Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo sida sharcigu dhigayo bil ka dib Shirweynaha Xisbiga dib loo doorto xubnaha Golihiisa dhexe iyo  hogaankooda.




Maxamuud Jaamac Warfaa  oo hore u ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe, ayaa shaaciyay inuu xilkan u sharaxanyahay, maalin kaddib markii uu Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku dhawaaqay inuu u taaganyahay  Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigiisa.




Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay  Magaalada Hargeysa, ayuu Xildhibaan Wadku ku sheegay inuu musharaxaha Guddoomiyaha Golaha dhexe uu u taaganyahay, waxaanu intaasi ku daray inuu hanan karo ama ka soo bixi karo Jagadaasi hadii loo doorto.




Anigoo ah Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, isla markaana ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan u taaganahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee soo socda”




Maxamuud Jaamac Warfaa oo sharaxaya qaabka uu Musharaxnimadiisa u marayo, maadaama aan hogaanka Xisbiga lagu tartamin shirweynihii todobaad ka hor qabsoomay, ayaa yidhi “Doorashadii hogaanka Xisbiga wada xaajood ayaa lagu dhameeyay, laakiinse tan Golaha dhexe waa lagu tartamayaa, haday tahay Musharax Madaxweynaha iyo haday tahay Shir-guddoonka Guddoomiyaha Golaha dhexe. Halkaasaanay dimuquraadiyadii xisbiga kulmiye ka bilaamaysaa.




Markaa Aniguna waxaan u tartamayaa, u ordayaa, u taaganahay , isla markaana halkan ka caddeynayaa inaan Guddoomiyaha Golaha dhexe u sharaxanahay, anigoo u sheegaya dhamaan dadka isu sharaxaya Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha dhexe inuu sharciga Xisbigu sidaa dhigayo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




HALKAN KA DHEGEYSO:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wadka.mp3"][/audio]




Waa kuma?




Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, muddo dheerna Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa, isagoo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha dhexe ahaa todoba sanno in ka badan.




Ka hor intii aanu Xisbiga kulmiye gelin waxa uu xilal Wasiir ku-xigeen ka soo qabtay Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u kala dambeeyeen ee Xisbigii Bur-buray ee UDUB.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com