Tuesday, May 6, 2014

Machadka California ee Magaaladda Hargeysa Oo Munaasibad Qalin Jabin Ah U sameysay Arday Ka Qalin Jabisay Machadkaas

Machadka California ee Magaaladda Hargeysa ayaa Munaasibad Qalin Jabin Ah sameeyay 210 arday oo ka qalin jabiyay Barashada Saxaafada, English, Xisaabaadka iyo Cilmiga Computerka.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen maamulka machadkaasi, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda waalidiin iyo ardayda ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Maamulaha machadkan Cali Cabdi Ibraahim waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko midhaha ardaydii ay ku soo tabceen.


Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaa noo suurto gashay in aanu macadka aanu ka dhigno kuliyad caalmiya ah oo ardayada ka soo baxadana ay tahay araday tayo





leh.



Waxa uu macadkani uu ka kooban yahay saddex qaybood oo ay ka mid yihiin school Primary ah iyo mid college ah sidoo kale mid ku yalaa degmada laasgeel magaalada dacar budhuq, maamulkii iyo aradaydasiina way nala joogaan.


Agaasimaha Cusub ee wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyay ardaydan, waxaanu yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan kala soo qayb galo ardaydan maanta qalin jabisay xafladooda.



Runtii anigu waxa aan ahay Agaasimaha cusub ee Wasaarada Warfaafinta, waan cusubahay, idinkuna waad cusub tihiin, markaa waxa la idiinka baahan yahay in aad waxbarashada sii wadaan oo aydaan halkaasi kaga hadhin, waayo internet ayaabay maanta waxbarashada lafteeda aad ku qaadan kartaan” ayuu yidhi


Sul.Yuusuf Muxumed Xiiray oo isna ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ”Aad iyo aad baan Ugu faraxsanahay in aan ka soo qeyb galo curdinkii iyo aqoontii dalka qaar ka mid ah oo maanta Qalinjabinaysa aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay aniga oo ku hadlaya afka saladiinta somaliland aqoontaas aad barateena waxaan ilahay aan idiinka baryayaa in aad noqotaan kuwii dalkooda iyo dadkooda ku anfaca ilahay ha idiinka dhigo” gabo gabadii waxaa munasibaad ka hadalay agaasimaha wasaarada waxbarashada u qaabilsan wax barshada gaarka


ah mudane Muuse Warsame Shide.

Waxa uu ku hambalyeeyay ardaydan dedaalka ay la yimaadeen, waxaanu u soo jeediyay in ay halkaasi ka sii wadaan.