Sunday, May 11, 2014

Xasan Sheikh: 3 Milyan oo Qof iyo Lix Gobol ayaan ka xoraynay Alshabaab”.


Xasn shMuqdisho(GNA)-Shir Caalami ah ayaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.




Shirkan oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 15 Safiir iyo wakiillo wakaalado caalami ah, waxa dib loogu eegay horumarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo taageerada la xiriirta ee Beesha Caalamka si loo xaqiijiyo howlihii Barnaamijka Higsiga Cusub, Aragtida Fog ee 2016 iyo Ujeedooyinkii Nabad iyo Dowlad Dhisid (the New Deal Compact, Vision 2016 and the Peace and State building Goals).




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shir-guddoominayay kulankan oo lagu magacdaray Madasha, ayaa  dib u eegis loogu samaynaya  Qorshaha iyo qaabeynta waxyaabaha dawladda horyaala iyo waliba wixii qabsoomay.




Madaxweynaha ayaa halkaasi khudbad dheer oo uu ka jeediyay ku yidhi  “Madashu waxa ay kormeer u tahay Fulinta Barnaamijka Heshiiskaas waana meesha ugu muhiimsan ee looga hadlo ahmiyadaha nabad iyo dowlad dhisidda dawlad Soomaaliyeed inta u dhaxeysa 2013 iyo 2016.




Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in ay waafajiyaan taageeriddooda Soomaaliya mudnaanta heshiiskaas ee ay Soomaaliya u baahan tahay sida “Wadahadalka Siyaasadda ee loo dhan yahay, Nabadgalyada, Cadaaladda, aas-aaska dhaqaalaha, dakhliga iyo adeegga”sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Madasha  .




Isaga oo la hadlaayey kazoo qayb-galeyaasha Madasha Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in Dowladda Federaalku ay wax badan ka qabatay ujeedooyinka lagu heshiiyey.




“Waxqabadka la soo bandhigay waxaa ka mid ah talaabooyinka  Al-Shabaab  lagaga xoreeyay 3 milyan oo qof oo deggan 9 magaalo iyo 6 gobol.




 Qaababka taageerada lagu xoojinayo waxa la sameeyay , Unugga iskubadrididda Gargaarka (Aid Coordination Unit) iyo Sanduuqa Horumarinta iyo Dib-u-dhska Soomaaliyee ( and the Somali Development and Reconstruction facility) oo la sameeyayey si loo hubiyo garagaarkii Soomaaliya loo ballan-qaaday in la iskuduwey lana ilaaliyey.




 Sidoo kale  si loo helo hufnaan iyo maamul maaliyadeed oo wanaagsan, Bangigii Dhexe  ee kulanka, ayaa boorka laga jafay iyada oo la magacaabay Guddoomiyihii Bangiga, Ku-Xigeenka Guddoomiyaha iyo Golaha Maamulka Bangiga iyo Guddiga Maamulka maaliyadeed iyo waliba Guddiga kormeerka maaliyadeed.




 Horumarka Kaabayaasha waxaa ka mid ah 35 KM oo jidad Magaalada Muqdisho dhexdeeda ah, mashruucyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Dhisidda Xarun-maamuleedka degmooyinka, Maxkamadaha, saldhigyada Booliska, isbitaallada iyo ceelal biyaha oo laga billaabey Jowhar iyo Marka.




Sanduuqa Deeq-bixiyeyaasha badan ee Qaramada Midoobay (The United Nations Multi-donor Trust Fund) waa mid shaqeynaya oo lacagtii waxa ay billowday in ay ku soo qulqusho khasnadda middaas oo wax katareysa shaqada bangiga Dhexe.




Kooxo Shaqo oo ka shaqeynaya Ujeedooyinka shanta (5) ah ee nabadda iyo dowlad-dhisidda ayaa la dhisay kuwaas oo kujira howlo la taaban karo oo ah barnaamijo la fulin karo. Qorshaha lagu gaarsiinayo Aragtida 2016 Goballada si loola tashto ayaa heer gabogabo ah maraayo.




Madaxweynuhu waxa uu yir ‘ Soomaaliya wey xaqiijineysaa ujeedooyinka Higsiga Cusub. Waxaa farxad noo ah in aan maanta kala doodno saaxiibadeenna Beesha caalamka qorshoyaasheenna si wadajir ah uga baaraandageyno wixii la qabtay. Ujeedooyinku waxa ay u baahan yihiin qorshe iyo howl adag si ay xaqiiqo u noqdaan. Bilo badan ayay naga qaadatay in aan dhameystirno qorsheyaasha iyo istaraatiijiyooyinka muhiimka u ah in la hubiyo marka ay barnaamijyadan miro dhalayaan Soomaaliya oo dhan iyo in ay yihiin kuwii saxda ahaa ee isbeddelka sameyn lahaa.




Madaxweynuhu waxa uu yiri “ maanta waxa aan ka faa’ideysaneynaa halka aan mareyno waxaana naga go’an lixda meelood ee u baahan xalka deg degga ah. Lixdaas meel waa: Dhammeystirka Higsiga 2016, sameynta Guddiga Federaalk, Guddiga Doorashooyinka, Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka, sameynta maamullada KMG ah ee degmooyinka iyo sameynta guddiyada nabadgalyada ee meelahaas”




 “ waxaa na horyaalla ajandha hanweyn waxa aanna fileynaa la shaqeynta saaxiibadeen dhammaan hey’adaha Dowladda iyo saaxiibadeenna caalamiga ah si loo helo natiijo lagu dhiso soomaaliya oo sidan ka wanaagsan” ayuu madaxweynuhu ku soo gabagabeeyay.Xasan nik




Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee qaramada Midoobay, Mr Nicholas Kay,oo isna madasha ka hadlay aaya  yiri, “ Maanta Beesha Caalamka iyo madaxweynaha Soomaaliya Waxa ay ay sii adkeeyeen go’aankoodii ahaa in horey loogu sii socdo si deg deg ah. Waxaa jira arrimo badan oo in la qabto loo baahan yahay khatartuna wey badan tahay”.Xasannas




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.comxasaaaa ]n  xasanh