Wiil uu dhalay Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay in la dilay, kaddibna maydkiisa suuqa lagu soo dhex tuuray.
Maydka Ninka ayaa la sheegay in laga soo tuuray Gaadhi qufulan oo Muraayado madow.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo falka sida uu u dhacay iyo cida ka dambeysay toona, hase ahaatee Warbaahin Gobolka laga leeyahay ayaa dad goob-joogeyaal ah ka soo xigtay in Maydka Ninkan uu dhalay Axmed Madoobe markii la soo tuuray ay qaateen Askar kuwa dawladda iyo Maamulka ka tirsan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Jubaland oo tafaasiil lagaga bixinayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa beryahan dambe ka socday dilal iyo qorsheysan, kuwaasoo ilaa sanadkii hore markii la aasaasay Maamulka Sheikh Axmed Madoobe halkaasi ka socday. Kaddib xiisaddo siyaasaddeed oo loolan ka dhashay.