Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh oo Golaha u sheegay Muhiimadda Shuruucda Iibka Qaranka...
Muqdisho(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inay Dawladda Somalia heshiis la gashay Shirkad Magaceeda la yidhaahdo CGG oo laga leeyahay waddanka Switezerland, taasoo fulin doonta hawlo xoguruurin ah oo dalka laga fulin doono.
Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed, ayaa sidaasi ka sheegay Shirka Golaha Wasiirrada ee Khamiislaha ah oo uu Shir-guddoominayay.
Shirkaasi ayaa lagu ansixiyay hindiseyaal sharci iyo Heshiiska dawladdu la gelayso Shirkadda.
Hindisaha Sharci ee bixinta Qandaraasyada Qaranka, ayaa reysal-wasaaruhu sharaxaad ka siiyay Golaha Wasiirrada, waxaanu sheegay inuu wax ka taraya Musuqmaasuqa iyo lunsiga Qarashaadka dawladdu wax ku soo iibsanayso.
“ Sharciga Iibka Qaranku waxa uu muhiimad u leeyahay nidaaminta qaabka ay dowladdeenu wax u soo iibsan doonto iyo qaabka ay u maaraynayso qandaraasyada. Hadda kaddib dhammaan qandaraasyadu waxay noqon doonaan kuwo si xaq ah loogu tartamo.
“Sharcigan waxa uu yaraynayaa musuqmaasuqa isagoo dhiirrigelinaya daah-furnaanta dhammaan hawlaha la xiriira wax soo iibsiga dowladda iyo qandaraasyada. Waxaan rajaynayaa in sharcigan uu wax badan ka beddeli doono duruufaha maanta jira waxana uu astaan u yahay dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomalaiya”ayuu yidhi.
Heshiiska CGG
Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa aqbalay heshiiska dhinaca xog ururintaka ee ay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolku la gashay shirkadda CGG , iyadoo shirkaddan ay wassaaraddaasi ka caawin doonto xogta la xiriirka macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya ku jira.
Shuruucdan ayaa loo gudbin doonaa sida sharcigu dhigayo Golaha Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo go’aan ka gaari doona.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com