Thursday, May 1, 2014

Wasiirro ku dhex dhacay Mudaharaad Dhimasho sababay oo ka dhacay Wajaale


Wajaale(GNA)-Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo rabshado saaka ka dhacay Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley .




Goob-joogeyaal ayaa sheegay inay Bilayska Magaalada Wajaale Rasaas kala hortageen Dad  mudaharaadayay oo ka soo horjeeda xadhiga Guddoomihii hore ee degmada Wajaalen Mr. Qawrax oo Maamulka dawlada ee degmadu xidhay.




Qofka Dhintay ayaa ah Nin Macalin ahaa oo magaciisa lagu sheegay Naasir, kaasoo rasaas lagu dhuftay.




Sidoo kale laba qof oo kale oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa dhaawacmay, sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Caafimaadka ee Deegaanku.




Guddoomiyihii hore ee Degmada Wajaale ayaa lagu eedeynayaa arrimo dhul oo sida la sheegay Maamulka xilka kala wareegay ku eedeeyay inuu Iibiyay wakhtigii uu maamulka hayay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka dawlada iyo Bilayska oo la xidhiidha rabshadahan Magaalada ka dhacay.




Dhinaca kale, dawladda ayaa ciidan gurmad ah uga dirtay magaalada Hargeysa si loo joojiyo rabshadahaasi.




Kolanyo ciidanka Bilayska ka tirsan ayaa goor aan sidaa u sii fogayn la arkayay iyagoo dhinaca Galbeed uga soo baxaya Magaalada Hargeysa, kuwaasoo sida laga soo xigtay Saraakiisha Amniga ku sii jeeda dhinaca wajaale.




Geesta kale, waxa Magaalada gaadhay Wefti wasiirro iyo Saraakiil Ciidan isugu jira.




Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wershadaha, Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Saraakiil kale, ayaa halkaasi u tegay daminta Xiisadan saaka ka bilaabantay Magaalada.




Masuuliyiintan ayaa ku guulaystay inay dejiyaan dadkii gaddoodsanaa ee saaka isu soo baxay.




Maydka qofka dhintay ayaan wali la aasin, waxaana la sheegay inay madaxda dawlada iyo Eheladiisu ka wada hadlayaan arrinta dilka.




Dadka deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa Guddoomiyaha Degmada ku eeddeeyay inuu ka masuulyahay wixii Magaalada ka dhacay maanta.




Mr. Xaashi ayaa lagu eeddeynayaa inuu sabab la'aan ku xidhay Maayirkii hore Qawrax.




 




Gobanimonews




Gabiley Office




Email: editor@gobanimonews.com