Dadku waxay wali isweydiinayaan sababta Saylici uga baaqday Safarkiisa Maraykanka..
Qurbo-joogtu gacan macaan iyo Af-macaan ma isugu dari doonaan Socdaalkiisa labaad ee Dibadda?GNA
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo laba xubnood oo ka mid ah Guddida Dhismaha Waddada Ceerigaabo, ayaa shalay ka dhoofay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanay sida qorshohoodu yahay xuska 23-aad ee Gooni-isutaaha Somaliland kaga qayb gelayaan Dalka Maraykanka.
Weftigan oo aan ahayn mid diblomaasiyaddeed oo Dalka Maraykanka Marti-qaad dawladdeed ka haysta, balse ku tegay ajiibidda dalab uga yimi Mawaadiniinta Somaliland ee dalkaasi ku nool, ayaa waxa kale oo xubno ka ah ashkhaas dawladda u shaqeeya oo aan xilal haynin.
Laakiinse marka miisaan ahaan iyo shaqada ay hada ku foogan yihiin la eego, waxa muuqata in qorshaha socdaalkooda ee ay saddexdooda Masuul isu raaceen ugu weyntahay sidii ay qurbo-joogta dalkaasi degen uga soo uruurin lahaayeen Qaadhaanka Waddada 370KM ah ee todobaadyo ka hor la sheegay in la bilaabay.
Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa xubno ka ah xildhibaan Cali Gabiley, Marwo Sacdiya, oo labadooduba ka mid ah guddida qaadhaan ururinta dhismaha jidka Ceerigaabo iyo Burco iyo Wariye ka tirsan Telefishanka Dawladda, kaasoo ah Muniir Axmed Cigaal.
Weftigan sidii qorshaha dibada laga diyaariyay ahaa inuu hogaamiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, kaasoo sida la rumaysanyahay Warbaahintuna ilaa xalay warinaysay, u baaqday khilaafka ka taagan dhismaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu sida la sheegayo ka shakiyay in xubno uu wato laga reebo.
Guddida 18 May kumay jirin
Wasiir Xirsi ayaa ka mid ahayn Guddida qaban qaabada xuska 18 May oo Madaxweynuhu magacaabay, laakiinse waxa cad inuu si uun saamayn ugu lahaa dhismaha Guddiyada dibada hawsha ka wada oo muhiimad weyn u ah qorshihiisa.
“muxuu ka doonaya Xirsi Maraykanka isagu guddida kamuu mid ahayn, ma waxa lagu tamashlaynayaa xoolaha umadda”sidaasi waxa yidhi Maxamed Axmed oo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo Gobanimo la hadlay.
Dareenka noocan ah ayaa ka soo baxaya inta badan dadka xogogaalka u ah socdaalkiisa, kuwaasoo si weyn isu weydiinaya sababta Madaxweyne ku-xigeenku dalku u baaqday oo dhinacyo kala duwan loo sibir-saarayo.
Qaadhaan u Uruurinta Jidka Ceerigaabo.
U Qaadhaamida Jidka Ceerigaabo waa Mashruuc saameyn badan ku yeeshay dalka, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxaanay kooxda u xilsaaran ee uu Madaxda u yahay Liishanka ku hayaan fursad kasta oo ay dadka kaga helayaan dhaqaale.
Gudaha dalka marka la eego, sida Gobanimonews ku heshay baadhitaano ay samaysay, dad badan ayaan bixin lacagta qaadhaanka sababo la xidhiidha Mugdi laga dareemay Maamulka Mashruucan iyo dhaqaalaha Bulshada oo aad u hooseeya.
Dhismaha Waddooyin kale ee Galbeedka oo iska caabiyay Ololaha Xirsi
Arimaha kale ee sababay in dadka gudaha, khaasatan kuwa Gobollada Galbeedku u bixin waayeen, waxa ka mid ah Waddooyin kale oo Laami laga dhigayo oo deegaamo badan si iskaa wax u qabso ah looga waddo.
Waxaana ka mid ah Jidadka Dawga-cad, Waddada-cad, Laamiga Bali-gubadle iyo Laamiga dhawaan dhamaaday ee Gobolka Gabiley, taasoo xukumaddan Madaxweyne Siilaanyo dhamaystirkeeda ku magac yeelatay, inkasta oo aanay soo bandhigin lacagta ay ku bixisay qaddarkeeda.
Waddooyinkan ayaa inta badan waxa ka qayb qaadanaya hir-gelintooda Jaaliyadaha dibada, kuwaasoo ay saameyn balaadhan ku yeelatay dhaqaalahooda arrintaasi.
Qurbo-jooga oo uu hore u eeddeeyay
Sidaasoo ay tahay Wasiir Xirsi iyo Kooxdiisa u ololeynaya Dhismaha Jidka Ceerigaabo, hore ayay af macaan iyo gacan laaban ugala soo kulmeen dadka dibadaha degen, oo ay qaadhaanka laga rabo u bandhigeen markii ay diiranayd hawsha loo xilsaaray.
Taasoo soo baxday muddo yar ka hor markii Wasiirka Madaxtooyadu Warbaahinta ka dhaliilay qurbo-joogta, isla markaana yidhi “waxaan leenahay qurbo-joogtii hadlaysay ku quus qaata waanagaa bilownay Waddadiiye, waanay soconaysaa”ayuu hadalkan isagoo ka hadlayay Ceerigaabo xili Madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay bilowga Mashruucan.
Si kastaba ha ahaatee Wasiir Xirsi iyo xubnaha la socda oo hada u muuqda inay doonayaan inay Jibada xuska 18 May ee dadku xamaasadaysanyahay ayaa la eegi doonaa qadarka qaadhaanka ay ka soo qaadaan Jaaliyadda Maraykanka oo si weyn ugu diyaar garoobaya soo dhaweyntooda.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@Gobanimonews.com/curad1986@hotmail.com