Tuesday, May 13, 2014

10 Qof oo ku dhintay Dagaal kale oo ka dhacay Beled-xaawo


Maamulka Gobolka Geddo oo Maxkamad in la taago ku baaqay Guddoomiyaha Doolow..




Beled-xaawo(GNA)-Lix ka mid ah ugu yaraan 10 ruux oo ku dhintay Dagaal mar kale maanta ka dhacay Degmada Beled-xaawo, ayaa waxa ku dhacay Madaafiic lagu garaacay Magaalada.




Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Maamulada Jubaland iyo Ehlusuna wal-jameeca oo gacan ka helaya Ciidamda dawladda ee halkaasi ku sugan, waxaanay labada dhinac ku muransanyihiin  Maamulka Degmadan.




Degmada Beled-xaawo oo ka tirsan gobolka Geddo ayaa maalmo ka hor waxa si dagaal khasaare sababay ku dhex maray labada Maleeshiyo ee Maanta Dagaalamay.




Sida ay wararku sheegayaan dhimashada ayaa u badan dhinacyada dagaalamayay, iyadoo dagaalku sababay dhaawac iyo baro-kac.




Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalka maanta dhacay ay ku soo qaadeen ciidamo taageersan maamulka KMG ah ee Juba oo ka yimid degmada Doolow.




"Waxaa maanta duulaan nooga yimid dhanka degmada Doolow oo ciidamo taageersa Maamulka Juba ay na soo weerareen, mas'uuliyada dagaalkaas waxaa dusha u ridanayo Gudoomiyaha degmada Doolow"ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.




Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen dad shacab ah oo ay ku dhaceen madaafiic laysweydaarsadau, guryona ku gubteen.




Isagoo  ku baaqay in Maxkamada la horkeeno Gudoomiyaha degmada Doolow.




Dawladda oo hore ugu hanjabtay dhinacyada




Ra’iisal wasaarah Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Gaas oo dagaalka maalmo ka hor dhacay ka hadlay, ayaa ku hanjabay inaanay dawladdu ka hadhi doonin dhinacyada dagaalamay,lana xisaabtami doonto.




Waxa uu ku baaqay inay joojiyaan dagaalka, isla markaana nabad-gelyada ixtiraamaan.




Waxaase muuqata inaan wali dhinacyadu dheg jalaq  u siin hadalka adage e ka soo yeeray dawladda.




Dagaalka ayaa sababay baro kac ku yimi dadka deegaanka muddo todobaad ku dhow.




Ma jirto ilaa hada wax waan waan ah iyo talaabooyin dagaalka lagu qaboojinayo oo socdaa, marka laga yimaado inay labada dhinac iskood xabada u joojiyeen wakhti aan cayimnayn.




Dawladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin  iska hor-imaadka kale ee Maanta dhacay.




Dadka deegaanka ayaa wali ku jira cabsi ah in dagaalku sii qaraaraado.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com