Thursday, May 1, 2014

Wasaaradda kalluunka Somaliland "Sun kuma jirto Biyaha Baddeena".


Hoos ka Daawo Wasiir Buureed iyo Shaqaalaha Wasaaradda Kalluumaysiga oo Daraasad cusub shaaciyay




Cali buureedHargeysa(GNA)-Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed, ayaa dacaayad Maxali ah ku tilmaantay warar lagu baahiyay Wargesyada dalka ka soo baxa oo sheegay in Kalluun sumoobay dibada uga soo baxay Badda, taasoo ka dhigan in Badda sun lagu qubay.




Wasiirka Wasaaradaasi iyo Saraakiil ka shaqeeya Wasaarada, oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in wararka noocan ahi suuqa ka xidhayaan Kalluunka laga soo saaro badda.




Jilaabashada kalluunka ayaa aad ugu yar xeebaha Somaliland, inkasta oo sanadihii u dambeeyay dedaal loogu jiro sidii horumarin loogu samayn lahaa.




Saraakiisha Wasaaradda ayaa Maanta sheegay in Suuqyada Kalluunka lagu iibiyo iyo meelaha lagu isticmaallo ee Hudheelada cuntaddu soo badanayaan.




Wasiir Cali Jaamac Buureed, ayaa tilmaamay in baahinta macluumaad wax u dhimaya Kalluunka laga helo dalku suuqa gudaha iyo dibadaba caqabad ku noqonayo dedaalka socda iyo horumarka la gaadhayo.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=2gfXJLkI9xM


Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com