Thursday, May 1, 2014

Damaca Dawlada Kenya+Darreen La’aanta Dawlada Soomaaliyeed,Cawaaqib Xumada Ay Danbarsan Doonto


Damaca Dawlada Kenya+Darreen  La’aanta Dawlada Soomaaliyeed,Cawaaqib Xumada Ay Danbarsan Doonto




 




 




 




Taarikhdu waa ma guurto waanay soo noq-noqoota,maanta roone berri liidan doone,sidaynu taarikhdu xusto bilowgii sideed-tanaadkii markii kooxi hii gobanimo doonka aha ee ka jiray gobolada waqooyi bari keniya ee lo yaqaanay shiifto,ee ay dhaq-dhaqaaqa xooggan ka wadeen gobolkaasi NFD.waxay dawlada keniya ay ka alaab urur-satay gabi-ahaanba gobolada waqooyi bari tiiyo ku an-dacooneysaa somaliya ayaa faro-gelin nagu haysaa iyaado kusoo hiraan wayday inay fooda soo gelisay dhulka xuduud-keeda ay xaaranta ku haysaato lana oggaa sidaa ay ku heeshay iyo qaabkii qaarabo kiilkii uu dawladii gummaystihii ingiriis.ilaayo intaa laga gaadhaayey ,bilowgii saggaashanaadkii iyo bur-burkii  dawladii soomaaliyeed.in yar aan ku noqo-no sooyaalkii taarikhda dhulkan soomaaliyeed iyo daba-yaqaadii qarnigii sagaal iyo tobnaad markii uu gummaytuhu,qayb-qaybinaayey qaarada africa waxaay og-nahay in dhulka la isku odhaan jiray markaas jubbo-land oo ka koobneyd goboladan maanta lo-yaqaan jubooyinka,gedo,gobolka waqooyi barri ee keniya  uu ingiriisku ka dhax-laysay-san-danaadi  zanzebar laba loo kala qaybiyey,tiiyo qayb laga iibiyey talyaaniga oo aad uu da’naynaayey dhul beereedka labada weebi,halka qaybtii kaleena ingiriisku uu si gaar ah ula hadhay,isaagoon ku darin,mustac-maraadiisi keniya ee uu gummaysan jiray.




 




wside1




 




Kadib dagaalkii labaad ee adduunka marku xoogaystay dhaq-dhaqaaqi xornimo doonkii soomaaliyeed,iyo hilowgii midnimo.ingiriiska oo markaa gacantaa ku hayey shanti soomaaliyeed kadib markii uu jabay talyaanigga,wuxuu ku taliyey inuu isugu keenno hal maamul oo ay ka mid tahay NFD isaago markaas damac kaga jiray wadaa-maamulida dhulka soomaaliyeed.hase ahaatee dawladdi faransiiska oo ka mid ahayd gummaystayaashii soomaalida haystay,oo garaab-sanaysaa Maraykanka iyo  midowgii Soofiytin ayaa gollaha ammaanka kaga hor miyi diidmada qayaxan.wuxuu markaas ingiriisku ugu balan qaaday ururadii soomaaliyeed inuu soo celin doono gobolkaas markay soomaali ay xor noqoto uuna si gaar ah usii maamuli doono.




 




Waatii la oggaa sidii uu yeelay,waase gaal iyo caadaadi,ax-dii la”aanta iyo balaan daradda,si kastaaba ha ahaatee waxaa muuqata kadib dagaalkii sokeeye ee bur-buriyey somaliya fursad uu noqotay kenya ay ku muujisato damaceeda dhulleed ay ka lahayd somaliya taasoy uu fududaysay dagaaladii hala keeyey labaatankii sanno ee uu danbeysay koon-furtaa soomaaliya iyo is jiid-jiidaadkii hoggaamiye kooxeed-yadii isku haystay.kadib markii ay timi dalwaddi MBEGHTI ee lagusoo dhisay dalka kenya waxaa cadaatay rabitaanka kenya ee ahaa inay qaadato dhulka sidaay ku cadayd sanadii labada kun iyo lixdii 2006 iyo baadhitaanadii shidaal ee ay ka  samaysay




 




 Duleedka xeebtaa meel uu jirtaa lixdan kiilo miter oo dhanka badda (offshores) ras-kaambooni ceelka Blook L5 iyo L7 oo sidaa xeerka caalamiga ah ee badaha ee soomaliya iyo kenya kala saxeexdeen july 1989 uu dhiggaayo ku yaalla biyaha dalka somaliya.




 




Siday  qortay jariirada kasoo baxdaa dalka kenya mar su’aal layska weydiiyey sababta keentay inay kenya biyaha somaliya ay shidaalka baadho,wuxuu masuul sare oo ka tirsan ha’yada shidaalka ee kenya uu sheegay in tar-tankaan caalamiga ah ee loogu jiro sdii shidaal lo heli lahaa ay uu xalaalaynayso in sifo kasto oo surta gal ah ay shidaal ku raadsato,xusuusnow soomaaliyana waxaay kowka tahay dalalkaasuu sheegay masuulkan ka tirsan dawlada kenya




 




Dib aan ugu noqonno su”aasha ah juquraafi ahaan halkeey dhacaan labadan ceel ee L5 iyo L7 Nala fiiri khariiradan .




Meesha                                       Dhigta                                     Loolka




RaasKambooni                   41o 34' 60" E.                               1o 38' 60" S.




Ceelka Block L-5                      41o 44' 00.00" E                            




                                                            42o 06' 07.00" E
                                                            42o 40' 33.00" E                                       01o 39' 43.00" S




                                                                                                                                     02o 22' 45.00" S
                                    




                                                                                                                                      01o 39' 43.00" S




Lamu                                               40o 54' 00" E                                    02o 17' 00" S




 




Shaxda sare waxay muujineysaa loolka iyo dhigaha Lamu, RaasKambooni iyo qaar ka mid ah cabbirka dhigaha iyo loolka ceelka "Block L-5" oo sida aan kor kusoo xusnay ay soo bandhigtay Wasaaradda Tamarta ee Kenya. Waxaana muuqata sida ay cabbirrada Ceelkaasi ugu dhow yihiin aagga magaada Raas-Kambooni ee dalka Soomaaliya.




Su'aalihii aan kor ku soo xusnay ee ay ka mid ahayd su'aal ka soo laabatay meesha uu ku yaal ceelka Block L-5. Su'aashaas oo ah ceelkaasi ma waxa uu ku yaal badda Kenya, mise badda Soomaaliya?.




Su'aashaas si aan jawaab ugu helo, una ogaano meesha uu ceelka Block L-5 kaga yaal khariidadda Afrika, waxaan naqtiin ku samayn-doonaa waxyaalaha aan ilaa hadda ka ognahay ceelkan, sida:




 




Ceelka Block L-5 (Pomboo) waxa uu xeebta u jiraa 80 Km,




Ceelka Block L-5 (Pomboo) waxa uu ku yaal meel 135 Km Waqooyi-bari ka xigta Lamu,




Magaalada Lamu waxay 60 miles koonfur ka xigtaa magaalada Raas-Kambooni.




Haddaba inta ayanaan u gudbin micnaha ay samaynayaan tirooyinkaasi, waxaan naqtiin ku samayn doonaan xeerka caalamiga ah ee badda, kaas oo gogol dhig u noqonaya dulucda qoraalkan…la soco qaybaha danbe




 




Qalinkii




 




Cabdi casiis Bashiir Nuur




Tel 063-4144434+9848466




 




c.casiis98@hotmail.com




 




Hargeisa/Somaliland