“Waxa Aanu U Baahanay Kursigii Aanu Ku Yeelano Golaha Midawga Afrika Si Aanu Ugu Metelo Rabitaanka Iyo Baahida Umaddayadda Somaliland “Wasiir Maxamed Biixi Yoonis
Abuja(GNA)-Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ayaa Golaha Midawga Afrika ka dalbaday inay Somaliland siiyaan Kursigii ay Somaliland ku lahayn golahaasi,waxanu sido kale si gaar ah uga codsay dawladda Nigeria inay isku xilqaanto sidii ay qadiyadda Madaxbanaanida iyadu u horgeyn laheyd Golaha Midawga Afrika,
Md Maxamed Biixi Yoonis oo shirweyne Caalami ah oo Waddamadda Afrika badankoodu ka qaybgaleen dalka Nigeria kaga qaybgalay oo uu halkaasi qudbad dheer oo garnaqsi iyo guulaha iyo Carqabaddaha dalka Somaliland soo martay ku saabsan ka akhriyey ayaa ku golaha Midawga Afrika ka codsaday inay ka gaabiyeen inay Somaliland siiyaan Kursigii ay ku yeelato Midawga Afrika,isla markaana waxa uu Wasiirku ka hadlay sida shacabka Somaliland gooni isku taaga dalkooda ay ugu adag yihiin iyo dhibaatooyinkii Taliskii Siyaad Barre ee Somalia uu 50,000 ee dadka rayidka ah Somaliland ugu xasuuqay iyo waliba markii Somaliland xoriyadeedii la soo noqoday 1991-kii aanay Caalamku Ictifaakii ay u baahnaayeen ku abaal marin arintaasina dhibaato badan Somaliland ku hayso.
Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Axadda Soo socota waa 18-kii May oo waxa ay ku beegantay Sannad guuradayadii 23aad ee Xoriyadii waddankagya ,ilaa hada in kasta oonu fulinay sharci kasta oo na looga baahna in Bulshadda Caalamka iyo Midawga Africa nagu aqoonsadaan,wali Waddankayga Somaliland waxa na loo la dhaqmaa sidii gobol ka mid ah Somalia tani waxa ay darifaad cad ku tahay Taariikhda iyo Xaqiiqdaba”
Md Biixi oo ka hadlaayey inay Somaliland iyo Somalia 1960-kii ka hor jiri jirtay waxa uu yidhi “Somaliland iyo Somalia labaduba waxa ay jireen 1960-dii ka hor intii aanay Masiibadu dhicin,waxa xiligaasi gu’aan qaldan ay Madax dhaqameedku gaadheen iyada oo bilawgii Midawgaba aanay ku faraxsaneyn oo burbur joogta ah uu Taliskii Siyaad Barre ee Somalia xiligaasi haystay uu ku gumaaday umadda Somaliland in uu si xun u xasuuqay oo u laayeym,halkaasi oo 50,000 oo rayid ah ay noloshoodii u waayeen ,taasina keentay inay Somalia laba qaybood u kala jabto 1991-kii halkaasi oo ay mar labaad Somaliland nasiib u heshay inay Mustaqalkeeda dib u qaadato oo hesho”
Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Aqoonsi la aantu waxa ay nagu keentay inay nagu adkaato in Somaliland hesho Maalgashadayaal Caalami ah iyo Deeqo Caalami ah,kuwaasi oonu u baahanay in dalka lagu koriyo,Ictiraaf la’aantu waxa ay sameyn noogu yeelatay,in had iyo jeer nala xaqiro gaar ahaan dareenadda Codka iyo hamiga umaddayadda in lagaga hadlo fagaarayaasha Caalamiga ah xata marka Muwduucu uu anaga yahay,nabadda iyo deganaashahu waa hantidda kali ah ee layskugu xidhnaan karo iyada oo dhaqaalahayagu si xooga u koraayo tirada shaqada ayaan ahayn iyadu mad saro u socota oo waxa badan tiradda dhalinyarta shaqo doonka ah waayo waxa aan jirin fursaddaha shaqadda oon kordheynin”
Mar uu Wasiirku ka hadlaayey inay Somaliland hesho oo soo dhaweynayso Maalgashadayaasha caalamiga ah waxa uu yidhi “Somaliland ahaan waxa qorshahayga aasaasiga ahi waxa weeyaan inay Somaliland hesho oo soo jiidato Maalgashadayaal si aanu u kordhino fursadaha shaqo ,laakin si taasi loo helo waxa aanu u baahanay taageero ka timaada Saaxibaddayada iyo Waddamada aanu iskaashiga la leenahay si aanu halkaasi uga sii wadno horumarka,waxa aanu u baanahayn kursigii aanu ku yeelano golaha Midawga afrika si aanu ugu metelo rabitaanka iyo baahida umaddayadda Somaliland,Somaliland waxa ay u baahan tahay fursad ay kaga qaybgasho Marti qaadyadda Caalamiga ah si ay uga qaybqaadato shirarka muhiimka ah sida kan oo kale,arimahaasi oo Saameyn ku leh Afrika iyo Bulshadda Caalamiga ahba,waxa ay dhibaato naga haysata in aanu si la mid ah wadamada kale uga qaybgalo shirarka Midawga Africa,Baanka horumarinta Afrika iyo United Nation Assembly”
Dhinaca kale mar uu Maxamed Biixi Yoonis ka codsanaayey Midawga Afrika inay Somaliland siiyaan kursigii ay ku yeeshaan golahaasi waxa uu yidhi “Sida ay Qaaraddaha aduunku si xawli ah ugu korayaan umaddaha Waddamada aduunku,Somaliland waxa ay weydiisaneysa waddanka Nigeria inay tixgeliso oo keento qadiyada Somaliland miiska golaha Midawga AFRIKA,waxana qodobadda Shuruucda AU-du uu dhigayey in la tixgeliyo Xuduudahii wakhtigii Xoriyada Afrika,Codsigayaga aqoonsiga Somaliland na maaha in la dafiro Siyaasadayada”
Wariye Mr Hudle
Hargeysa Head Office/Somaliland