Thursday, May 15, 2014

Somaliland oo Biyo gaadhsiisay Dad ku Haraadan Buuhoodle


vlcsnap-2014-05-15-11h40m42s168 




Buuhoodle(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo wali ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa biyo u qaybiyay qaybo ka mid ah Bulshada ku dhaqan Magaaadan oo bilihii ugu dambeeyay biyo la’aan soo foodsaartay.




 




Biyaha ayaa gabaabsi ka noqday Magaalada oo ka badankeedu xaga biyaha ku tiirsanayd Baraagaha xiliga Robka Biyaha lagu kaydsado, balse aan lahayn Riigag ama Ceelal biyaha si joogta ah looga helo.




Dadka Deegaanka ayaa goor sii horaysay sheegay inay Biyuhu gabaabsi noqdeen bishii ugu dambeysay oo la sugayay inuu gugu ka curto deegaamadaas, laakiinse waxa haatan is biirsaday dhibicda cirka oo wali la sugayo iyo Riigii Biyaha ay ka heli jireen dadku oo go’ay, kaddib markii ay dad iyo xooluhuba ka wada cabayeen muddooyinkan.




Wasiirka Caafimaadka oo intii uu joogay Buuhoodle Mashaariic badan dhagax dhigay  ayaa maanta Biyo ay dadku  cabaan ku qaybiyay qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada oo dad danyar ahi degenyihiin.




Dadweynaha ayaa soo dhaweeyay deeqdan Biyaha ah ee la gaadhsiiyey oo intii ka faa’idaystay ku haraad baxeen Maanta.




vlcsnap-2014-05-15-11h42m10s31Halkan ka Daawo:




Baahida dhanka Biyaha ee Gobolka ka jirta ayaa ah mid saameyn balaadhan ku yeelanaysa marba marka ka dambeysa Xoolaha iyo Dadka.vlcsnap-2014-05-15-11h42m36s12




“Riigaga Magaalada ku yaala waxa ka cabayay Xoolaha iyo Dadkaba, Cimiladuna waay kulushahay oo waa Kaliil. Xoolihiina way dhaleen, iyadoon roob di’in, taasoo laga cabsi qabo inay dhintaan Geella Kalshiisha dhalay”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka.




Dadka Gobolka ku dhaqan ayaa u badan Xoolo dhaqato, maadaama uu yahay Gobol Hawd ah oo Dhulka Xoolaha laga munaafacaadsado ah.




Najiib Cabdiwali




Gobanimonews




Buuhoodle