Monday, May 5, 2014

Shirkadda Telesom oo Kulan Hadhimeed Dhiiri-gelin ah u samaysay Masuuliyiin cusub


Shirkadda dhanka Isgaadhsiinta ugu weyn Geeska Afrika waa Telesom…




 TELESOM-4Hargeysa(GNA)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa shalay casuumad soo dhaweyn ah ku maamuustay xubno ka mid ah Masuuliyiintii habeen hore madaxweyne siilaanyo magacaabay oo ay ka mid yihiin Badhasaabada cusub ee loo Magacaabay Gobollada Gabiley iyo Sanaag.




Sidoo kale, waxa casuumadda Labada masuul ee loo sameeyay ka qayb-galay Agaasimaha cusub ee wasaaradaha Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland, Guddoomiyihii guddida horumarinta gobolka Gabiley, Mr. Darbo oo ah Madaxa xidhiidhka dadwaynaha iyo saxaafadda ee shirkadda Telesom iyo Mustafe Aaden oo ka mid ah Madaxda shirkadda Telesom.




Casuumaddan oo qado sharafta ahayd oo ka dhacday Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka hadlay Madaxa Xafiiska xidhiidhka Bulshada ee Telesom Maxamed Axmed Cabdi Mr. Darbo, kaasoo sheegay in sababta ay qado-sharafta ugu sameeyeen badhasaabada loo Magacaabay Gobollada Gabiley iyo Sanaag, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ay tahay dhiir-galin iyo inay ku bogaadiyaan xilalka loo magacaabay ee ay qaranka masuulka uga yihiin, isla-markaana muujiyaan sida ay u soo dhaweynayaan madaxda Gobollada.




Mr. Darbo, ayaa intaasi in shirkadda Telesom ay soo dhaweynayso Badhasaabada cusub ee Gabiley iyo Sanaag, isaga oo ku dhiirigaliyey in masuuliyadda loo dhiibay ay sida ugu fiican uga soo baxaan.




Badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono horumarinta gobolka Maamulka looga dhigay, isaga oo kaashanaya Maamulka kale ee gobolkaasi iyo dadweynaha.




Mustafe Shiine ayaa sidoo kale u mahadnaqay Shirkadda Telesom ee casuumadda dhiiri gelinta ah u sameysay.




Badhasaabka gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa shirkadda TELESOM uga mahad-celiyey casuumadda ay ku samaysay.




Shirkadda Telesom oo ah ta ugu balaadhan Shirkaddaha Isgaadhsiinta Somaliland ama Geeska Afrika ayaa inta badan door muuqda ka  qaadata dhiiri-gelinta qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo Adeegyada horumarinta kaabeyaasha inta badan ka qayb-qaadata.TELESOM-2