Somaliland oo looga diyaar garoobayo xuska sanad guurada 23-aad ee gooni-isutaagii 1991-kii iyo wufuud dibadaha laga sugayo oo uu Madaxweyne ku-xigeenku ka mid yahau oo Fiiseyaashii waayay...
Hargeysa(GNA)-Wefti ka soca Somaliland ayaa u dhoofay Dalka Maraykanka, halkaasoo ay kaga qayb-gelayaan Xuska sanad Guurada 23 ee Xoriyadda.
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ka baaqday oo aan wali bixin Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo sababo aan caddeyn u baaqday.
Baaqashada Madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu sababaynayaa arrinka dhanka Fiisaha ah Maraykanka ah, kaasoo aanu wali helin.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta isugu dhoofay ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta uu madaxweyne ku-xigeenku u baaqday.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Guddiyada qabanqaabinaya Xafladaha 18 May ee Wadanka Maraykanka ka dhacaya, weftiga ayaa isu qaybinaya Gobollada ay xafladuhu ka dhacayaan ee waddankaasi.
Weftiga ayaa sii mari doona Magaalada Addis-ababa oo ay Visaha waddanka Maraykanka ka sii qaadanayaan, halkaasoo ay wufuud dibadaha u tegaya xafladaha 18May oo kala duwani qaarkood ku sugan yihiin qaarna maalmaha soo socda u baxayaan.
Gobolka Seattle Washington
Mid ka mid ah Xafladaha Dalka Maraykanka Jaaliyada Somaliland ku qabanayaan waxa ka mid ah Munaasibad balaadhan oo lagu qaban doono Gobolka Seattle ee Washington, taasoo qabanqaabiyeyaasheedu si weyn ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta weftiga dawladda ka socda.
Sidoo kale Xaflada kala duwan oo lagu xusayo 18 May, ayaa ka dhacaya dalalka Ingiriiska, Faransiiska, Sweden, Holland iyo dalal kale oo ay dadka reer Somaliland ku nool yihiin.
Dad loo diiday Fiisaha
Qaar ka mid ah Dadka gudaha waddanka uga safray sidii ay dibdaha ugaga qayb-geli lahaayeen Xafladaha, ayaa loo diiday Fiisaha, waxaana ka mid ah Jileyaasha Caanka ah ee reer Somaliland ee Sooraan iyo Jawaan oo marti-qaad ka helay Jaaliyada ingiriiska.
Sooraan iyo Jawaan ayaa wali ku sugan Magaalada Addisababa ee caasimada Itoobiya , halkaasoo ay wali ku raajicinayaan fiise ay ku baxaan.
Sidoo kale, dadka kale oo isugu jira Suxufiyiin iyo Siyaasiyiin ayaa waayay Fiiseyaasha dalalka ay doonayeen inay aadaan, kuwaasoo qaarkood dib dalka ugu soo laabteen iyo kuwana wali jawaab ka sugayaan Safaaradaha.
18 May
Somaliland ayaa si weyn looga xusayay Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 Mayga saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay.
Xafladaha ugu waaweyn ee maalinta lagu xusayo ayaa ka dhaca gudaha dalka, waxaanad moodaa in sanadba sanadka ka dambeeya shucuurta dadku aad u sii kacayso, isla markaana u diyaar garowga maalintani ka sii xamaaasad badanyahay sanadkii hore.
Suuqyada Ganacsiga ayaa waxa aad looga iibsanayaan Maryo ka samaysan Calanka Somaliland, kaasoo ay dadku doonayaan inay ku lebistaan ama la soo baxaan Maalinta ay bishu tahay 18 May oo muddo todobaad ka yari haatan inaga xigto.
Dadka ayaa sidoo kale iibsanaya Agab yar yar oo calanka lagu xardhay, kaasoo dadka farsamoyaaqaanada ahi wakhtigan oo kale dhaqaale badan ka helaan, kuwaasoo sameeya qalab yar yar oo isugu jira kuwo la xidho iyo qaar gacanta lagu qaato.
Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo u kuur galay, sida Magaalooyinka waaweyn ee dalka loogaga diyaar-garoobaya, ayaa sheegaya inay shacbigu aad u xamaasadaysanyihiin, isla markaana qof waliba ka fikirayo sidii door muuqda uga qaadan lahaa banaanbaxayada iyo Munaasibadaha kala duwan ee dalka ka dhacaya.
Taasoo ah sababta ay dadku sidii Maalmaha ciida dukaamada uga iibsanayaan Maryaha Calanka ka samaysan iyo agabka kale ee loo diyaariyay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com