Monday, May 12, 2014

Saddex ka mid ah Shaqaalaha Somtel oo ku Geeriyooday Shil


Berbera(GNA)-Saddex ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel, ayaa dhintay, kaddib markii uu Taawar noocan Isgaadhsiinta la raaciyo ahi ku soo dhacay Deegaanka Xabaalo Tumaalo Gobolka Saaxil ka tirsan.




War ka soo baxay Shirkadda Somtel, ayaa lagu sheegay inay Saddexda qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Taawaradu ku geeriyoodeen Shilka Taawar.




Saddexda Nin ee Geeriyooday ayaa Magacyooda la kala odhan jiray Deeq Siciid Cismaan, Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe iyo Axmed Nuur Cali, kuwaasoo sida dadka deegaanku sheegeen halkaasi shaqo ka waday markii shiku ku dhacay.




Shirkadda Somtel tafaasiil dheeraad ah kama aysan bixin sababta dhalisay Shilkan.




Maamulka Shirkadda Somtel iyo guud ahaanba Dahab-shiil Group oo Tacsi diray




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




Gudoomiyaha Shirkadda Somtel Mudane Jaamac Xaaji Maxamoud Cigaal  waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraa Dhamaan Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaanba Shaqaalaha Somtel Ee Ay ka baxeen Marxuumiinta Kala ah:-




1.      Marxuum Deeq Siciid Cismaan




 




2.      Marxuum Cabdiraxiin Maxamed Kaarshe




 




3.      Marxuum Axmed Nuur Cali




 




Oo ku Geeriyooday Shil-Taawar Oo ka dhacay Deegaan-ka Xabaalo Tumaalo Oo u dhaw Magaalada Berbera, Innaali laahi wa innaa ilahayhi raajicuun.




Gudoomiyuhu waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumiintaas Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo dhamaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahan Shaqaalaha Somtel Ee ay ka baxeena Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN




كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ (185)




 




إنا لله وإنا إليه راجعون




Shilkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhasha Taawarada Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee khadka isaga gudbiya Magaalooyinka iyo deegaamaada dalka, Taawaradaasaa ka samaysan biro adag oo laysku xidh-xidho.