Monday, May 5, 2014

Saddex ku dhintay Dagaal ka dhacay Beled-xaawo “Gedo”


Beled-xaawo(GNA)-Urur yaraan saddex qof ayaa ku maanta ku dhintay dagaal ka dhacay  degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, tobaneeyo kalena way ku dhaawacmeen.




Dadka deegaankaas ku sugan ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay ay ka tirsanaayeen dhinacyada dagaalamay.




Dagaalkan ayaa salka ku haya khilaaf dhinaca maamulka oo u dhexeeya maamulka degmada Dooloow oo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba iyo maamulka degmada Balad-xaawo oo iyaguna taageersan dowladda Soomaaliya.




Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus uuna xooggiisu ka dhacay gudaha degmada Balad-xaawo, inkastoo aysan jirin cid si gaar ah xilligan gacanta ugu haysa degmadaas.




 “Waxaan aragnay geerida saddex qof oo laba ka mid ah ay xirnaayeen dharka ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan arkay dhaawaca in ka badan toban qof oo ay shacab ku jireen,” ayuu yiri goobjooge Balad-xaawo ku sugan.




Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay oo kala wata magacyada Ahlusunna waljamaaca oo ka yimid degmada Doolow iyo kuwa dowladda Soomaaliya taageersan ay weli ku wada sugan yihiin gudaha degmada inkastoo aysan xilligan xabbadi socon.




Guddoomiyaha gobolka Gedo, Maxamed Cali Kaliil oo isaguna warbaahinta qaar la hadlay ayaa dagaalka ku eedeeyay maamulka degmada Doolow, isagoo xusay in wixii khasaare ah ee dagaalkaas ka dhashay uu maamulku dusha u ridanayo.




Dadweynihii ku noolaa degmada Balad-xaawo ayaa saakay gabi ahaan degmada isaga baxay, kaddib markii la dareemay xiisado colaadeed, mana jiro weli hadal kasoo baxay dhinaca maamulka degmada Doolow oo lagu eedeeyay dagaalka in ay iyagu billaabeen.




Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ahaa howlgalka AMISOM oo degmadaas horay ugu sugnaa ayaa iyaguna saakay isaga baxay, mana jirto sabab la sheegay oo ay uga baxeen degmada, maadaama ay xiisad dagaal ka jirtay.