Boqol Xildhibaan ayaa ku dhawaaqay…
Muqdisho(GNA)-Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Dawladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu iscasilo, hadii kale ay hab sharci ah xilka uga tuurayaan.
Dhawaaqan ayaa si lama filaan ah uga soo baxay Xildhibaanadan oo kulan Maanta ku yeeshay Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayay ku eeddeeyeen inuu ku guul-daraystay hogaaminta dalka.
Xildhibaannada ayaa sheegay in haddii uu madaxweynuhu diido soo jeedintooda ay xil ka qaadistiisa u mari doonaan hab sharci ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka hayay muddo sanad iyo badh ku dhow.
Dhamaadkii sanadkii 2013, ayuu ka takhalusay Reysal-wasaarihii uu magacaabay markii xukunka loo doortay Cabdi Faarax Shirdoon, kaddib khilaaf culus oo ka dhex qarxay.
Nidaamka Federaalka
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hogaaminta waddanka kala wareegay Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo madaxweyne ka ahaa dawlad ku meel-gaar ah.
Waxa uu inta badan u muuqdaa madaxweyne dedaal ugu jira sidii uu dalkiisu cagaha ugu istaagi lahaa, isla markaana u gaadhsiin lahaa doorashada 2016-ka.
Laakiinse hadalkan ka soo yeeray xildhibaana ayaa noqonaya culayskii ugu weynaa ee madaxweynaha ka soo wajaha gudaha dalka dib uga soo kabanaya colaadaha ku salaysan Ehliga iyo mabaadi’da siyaasaddeed.
Damac
Dagaal diblomaasiyaddeed iyo damac gudaha ah midkood ayaa loo aanaynayaa inay dabada ka riixayso go’aanka xildhibaanada, sidaa waxa gobanimonews u sheegay diblomaasi magaciisa qariyay.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa todobaadkan bilowgiisii ku sugnaa dalka Itoobiya caasimadiisa, halkaa oo uu kula kulmay Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka John Kerry.
Akhriste sidaad u aragtaa dhawaaqan?
Fikirkaaga ka dhiibo