Xaglo-toosiye iyo Galaydh oo Kulmay laba jeer..??
Dadweyne Cadhaysan ayaa dab ku qabtay Maryo ka samaysan Calanka Somaliland, xili uu joogo Magaaladaas Wasiirka Caafimaadka Saleban Xaglo-toosiye.
Dadks ayaa taageersan Maamulka Khaatumo, waxaaanay ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah Weftiga Xaglo-toosiye.
Halkan ka daawo:
Xaglo-toosiye iyo Galaydh oo Kulmay
Arrintan ayaa imanaysa xili ay isa soo tarayaan warar sheegaya inay Cali Khaliif iyo Wasiir Xaglo-toosiye kulamo qarsoodiya ku yeesheen Magaalada Buuhoodle xalay iyo Caawa.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya inay caawa labada dhinac fadhi qarsoodiya Jilbaha isdareen.
Laakiinse labada dhinac xidhiidho kala duwan oo aan la samaynay goor sii horaysay maantu way beeniyeen inay kulamo dhex mareen, yeelana doonaan.
“Ma jiraan wax kulamo ah oo dhex maray Cali Khaliif iyo Galaydh, taasoo waa aflagaado cali Khaliif loo geysanayo”sidaa waxa yidhi xubin sare oo ka tirsan Khaatumo oo Gobanimo la hadlay.
Dhinaca kale, sarkaal la socday weftiga Wasiirka oo codsaday inaan magaciisa la soo xigan ayaa Gobanimo u sheegay “waa been wax kulan ah oo dhacay ma jiraan, mana kulmi karaan labadaa Nin”ayuu yidhi.
Sawirro lagu baahiyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Facebook iyo Warbaahinta qaarkeed ayaa muujinaya Saleban Xaglo-toosiye iyo Cali Khaliif oo isa salaamaya.
Wariyaha Buuhoodle ee Gobanimonews ayaa goor sii horaysay sheegay in wasiir Xaglo-toosiye ku guddo jiro kulamo uu la yeelanayo Bulshada rayid ah ee magaalada, isla markaana aanu jirin ilaa hada inta la ogyahay wax xidhiidh ah oo dhex maray Galaydh.
Galaydh iyo Xaglo-toosiye ayaa labadii Maalmood ee ugu dambeeyay ku wada sugnaa Buuhoodle.
Imaanshiyaha labada masuul ee Magaaladan ayaa ka dambeysay kaddib markii hadal ka soo yeedhay cali Khaliif oo sheegay inay Somaliland ka wada hadlayaan khilaafka dhul ee ka dhexeeya .
Galaydh, ayaa ku cel celiyay inay wada hadli karaan Somaliland.
Halkan ka daawo:
Dagaal aad u xog badan ayaa ka socda magaalada Bentiu ee dalka South Sudan, kaddib markii ciidammada dowladda ay isku dayeen in ay dib u qabsadaan magaaladaas.
Bentiu oo ah magaalo qani ku ah shidaalka ayaa dhowr jeer la kala qabsaday tan iyo bishi December ee sanadkii la soo dhaafay marki uu billawday dagaalka South Sudan.
Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka South Sudan, Colonel Philip Aguer Panyang, ayaa kale BBC-da u sheegay in wadahadallada nabadda ee mucaaradka iyo dawladda ay weli socon doonaan.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa toddobaadki la soo dhaafay sheegay in uu wada hadallo toos ah la yeelan doono hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar.
http://www.youtube.com/watch?v=U37jjIWAOPs