Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Caydiid Saleebaan Xaashi oo Shit-jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo, ayaa sheegay inay Somaliland ku cambaareynayaan wuxuu ku sheegay duulaan ay ku soo qaaday deegaamada Dhulbahante.
Wasiir Xaashi ayaa dhinaca kale, faahfaahin ka bixiyay, abaabullo Beesha Dhulbahante ee uu ka soo jeedaa ka wadaan Kismaayo, si ay uga qayb qaataan hawlaha Maamulka Jubbaland.
Waxa kale oo uu soo dhaweeyay Shirka Khaatumo ee ka socda Taleex, isagoo dhanka kalena shaaciyay shirar Masaafo lagaga qayb gelayo oo ay ku abaabulayaan dadka Deegaamadiisa ka soo jeedda.
Halkan ka Daawo:
Jubaland ayaa ah Maamul ku Meel-gaar ah oo dhawaan Muqdisho lagu dhisay, kaasoo hada dhismahoodu socdo inta badan Hay’adihiisii dawladnimada lagu dhamaystirayay.
Gobanimonews
Kismaayo Disk
Email: editor@gobanimonews.com