Friday, May 9, 2014

Raysal-Wasaare Cabdiwali oo Muqdisho ku soo laabtay caawa.Daawo


Weftiga Reysal-wasaaraha ayaa maanta baqoole ku soo galay Degmada Qoryooley oo Al-shabaab laga qabsaday dhowaan..




CABDIWLI




Muqdisho, 8, May, 2014..(GNA)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu laba maalmood ugu maqnaa Shabeelaha hoose.



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo safar dhanka dhulka ah saaka aroortii kaga soo ambabaxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta duhurkii soo gaaray degmada Qoryooleey oo kamid ah deeganadii dhawaan laga xoreeyay kooxaha Nabad-diidka Al-shabaab, halkaasoo uu socdaalkiisa ku soo gabagabeeyay.




Weftiga ayaa intii dhexda ku soo jireen ee qoryaalay aanay soo gaadhin kooxo hubaysan oo la aaminsanyahay inay Al-shabaab ka tirsanyihiin dhexda u galeen Ilaalada la socotay.




Ilaalada oo ka koobnaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada, ayaa jawaab kulul ka bixiyey weerarkaas oo socday muddo daqiiqado ah, wax khasaare ah oo soo kala gaadhayna lama sheegin Askarta iyo dablayda weerartay.




Safarka weftiga  oo qayb ka ahaa u kuurgalida xaaladaha gobolka Shabelada Hoose ayaa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Qoryooley boqolaal kamid ah shacabka degmadaas oo ruxayay caleemo qoyan Sawirka Ra’iisul Wasaaraha iyo calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana soo dhaweynta kaddib uu kulan ballaaran la qaatay waxgaradka, odayaasha,maamulka degmadaas iyaga oo halkaasina ay ku soo bandhigeen baahiyaha ay doonayaan in si deg deg ah wax looga qabto.




Taliyaha qeybta koowaad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed General Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay dhibaatooyinka ay ka cabanayaan shacabka ku dhaqanka degmada Qoryooleey ee ugu horreyso dhanka Amniga Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed inay wax ka qaban doonaan, wuxuuna ka dalbaday dadka shacabka ah ee degmadu inay gacan ka siiyaan kooxaha kusoo dhuumaalaysanaya dadka shacabka ah dhexdiisa.




Xildhibaan Bishaar Ugaas oo kamid ah xubnaha golaha baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas ayaa uga mahadceliyay Ciidamadda XDS iyo kuwa AMISOM da’daalka ay ku bixiyaan xorreynta degmada iyo ammaanka oo suuragaliyay maanta inuu booqasho ku tago wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.




General C/laahi Xasan Bariise Madaxa hoggaanka saadka ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo dhankiisa kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay dhawaan degmada Qoryooleey inay soo gaari doonaan Ciidamaddii Booliska Soomaaliyeed si amniga ay ka cabanayaan dadka shacabka iyo dhibaatooyinka kale ee geystaan kooxaha Al-shabaab wax looga qabto, wuxuuna geesta kale tilmaamay in la gaari doono degmooyinka kale ee weli ku harsanyihiin kooxaha Nabadiidka Al-shabaab.




Ugu danbayntii waxaa kulanka ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna dhammaan uga mahadceliyay shacabka iyo maamulka degmada soo dhawaynta ballaaran ee u sameeyeen, isagoona xusay dhammaan baahiyadii kala duwanaa ee soo gudbiyeen shacabka iyo maamulka degmada Xukuumaddu si dhaqso intii awoodeeda ah inay wax uga qaban doonto.




 “Qoryoolay soo dhawaynta, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan imaado anigoo muddo ka maqnaa oo maanta u nimaadno ehelkaygii reer Qoryooley oo marlabaad gumaysi ka xoroobay, 1960 ayay xorowday oo calanka Soomaaliya laga taagay maanta waxay ka xorrowday gumaysigii dhiigyacabka ahaa ee Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhinaca kale sheegay dhammaan baahiyadii kala duwanaa ee soo gudbiyeen shacabka degmada Qoryooley Xukuumaddu inay ka hawlgeli doonto sidii wax looga qaban lahaa.




Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigii la socday ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee degmada Qoryooley oo kooxaha Al-shabaab ay ka bililiqaysteen dhammaan qalabkii yaalay, wuxuuna sheegay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed si deg deg ah in loo keeno doono Isbitaalka qalab uu ku shaqeeyo si dadka deegaanku u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.




Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya isagoo soo maray safar dhulka ah oo qaatay muddo ka badan shan saacadood oo toos ah.




Natiijada Booqashadiisii Marka




Geesta kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdiga uu hoggaaminaye oo booqasho labo maalin ah ku joogay gobolka Shabellaha hoose ayaa waxa y uu kulamo kala duwan la qaateen intii ay halkaasi ku sugnaayeen,odayaasha dhaqan degmada Marka, wuxuuna ka dhageystay warbixino ku aadan xaaladda gobolka.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay odayaasha dhaqanka arrimaha nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta gobolka iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool gobolka Shabellaha hoose oo baryihii u danbeeyay ay khilaafaad ku kala dhex jireen beelaha wada daga gobolka.




 “Dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Marka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib-u-heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.




“Marka laga hadlayo gobollada Soomaaliya gobolkan wuxuu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay daganyihiin qabaa’illada Soomaaliyeed, intiina meesha fadhida waxaa la idinka doonayaa inaad dawladda gacan siisaan Ciidamadda qalabka sida ee gobolka jooga, sidoo kale aad ka caawisaan sidii dadka shacabka ah iyo Ciidamaddu xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhanka kale sheegay dhawaan wafdi ka socda Xukuumadda inuu soo gaaro doono gobolka Shabellaha hoose si wax looga qabto baahiyada kala duwan ee deegaanka ka jira, wuxuuna ka codsaday qaybaha bulshada inay dul-qaad muujiyaan.




Odayaasha dhaqanka degmada Marka ayaa gaba-gabadii u balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dadka ku dhaqan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, si loo gaaro Soomaaliya oo xasiloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.




Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo qaybihii bulshada ee kasoo qeyb galay Munaasabadda in loo soo jeesto dhanka wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee gobolku caanka ku yahay si deegaanka u gaaro hormar.




“Maanta waxaan ka hadlaynaa sidee lagu xalin karaa dhibaatooyinkii deegaanka ka dhacay waxaan jeclahay markaan bari soo laabto inaan ka wada xaajoon doono mustaqbalba wax soo-saarka gobolka oo runtii ah meelah ugu dhaqaalaha iyo quruxda badan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.




Isku soo wada duubboo, Waa markii ugu horreysay oo uu Ra’isul wasaaruhu booqdo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose oo ka mid ah deegaanadii ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Kooxaha Nabad diidka ah.




Hoos ka Daawo Sawirro




CABDUWAL2 CABDUWALI cABDUWALI3 CABDUWALIS




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com