Xisbiga ANC oo laga walaacsanyahay inuu natiijadii laga filayay mid ka hoosayso ku guulaysto…
Johannesburg(GNA)-Xisbiga Xukuumiga ah ee Koonfur Afrika ee ANC, ayaa hogaaminaya tirada codadka la tiriyay Doorashada Baarlamaaniga ah ee dalkaasi looga dareeray Arbacadii todobaadkan.
Xisbiga hogaamiyihii Geeriyooday ee Nelson Mandela, ayaa natiijada tirinta codadka oo wali socota ku hogaaminaya 63%, waxaanu hoos uga soo dhaadhacay 20% tiradii uu maalintii Khamiista gelinkii hore ku hogaaminayay.
Tirinta Codadka ayaa wali ka socota Xarunta Guddida doorashooyinka ee Johannesburg, halkaasoo ay wariyeyaasha iyo Kormeerayaasha Caalamiga ah ee dusha kala socda doorashadu ku suganyihiin.
Tirinta codadka ayaa bilaabantay Habeen badhkii Arbacada, waxaanay marba marka ka dambeysa ku sii siqaysaa gunaanad.
Xisbiga Dimuquraadiyiinta Midoobay (Democratic Alliance), ayaa yihdidiilo ka soo muuqatay markii ay kor uga soo kaceen tiradii aadka u hoosaysay ee ay haysteen, tirada Kuraasta.
Xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynaha dalkaasi Jacob G. Zuma, ayaa u muuqda inuu ku guuldaraysanayo inuu Kuraasta baarlamanka helo saddex meelood oo laba meelood, taasoo markii hore la filayay.
Hogaamiyeyaasha Xisbiga oo hadlay markii xaaladu isbedeshay, waxay sheegeen inay rejo wanaagsan ka qabaan natiijada Doorashada.
Xisbiga AD, saraakiil u hadlay ayaa iyaguna sidan si la mid ah sheegay.
Tirinta codadka Doorashadan ayaa lagu wadaa in maanta jimcaha lagu dhawaaqo, sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee dawladdu Maamusho.
Dadka indho-indheeya arrimaha doorashooyinka Caalamka, ayaa doorashada koonfur afrika ku tilmaamay tii ugu quruxda badnayd ee ka dhacda qaarada afrika.
Warbaahinta iyo dadka danaynaya wararka doorashada ayaa aad loogu fududeeyay inay la socdaan wax kasta oo ku soo kordha shaqada socota.
Shaashaddo waaweyn oo ku rakiban meesha codadka lagu tirinayo ayaa dadka warka doonayaa kala socdaan il-bidhiqsi kasta wixii soo kordha.
Koonfur Afrika ayaa ka mid ah Dalalka ugu horumarsan xaga Tiknoolajiyada.
Doorashada sanadka 20-aad ee xoriyada Koonfur afrika ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee qabsoonta tan iyo markii Geeriyooday hogaamiyihii la dagaalanka midab kala sooca ee dalkaasi Nelson Mandela bishii December ee sanadkii 2013.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Kala soco wixii ka soo kordha wararka dambe