Garoowe(GNA)-Puntland, ayaa sheegtay inay danaynayso xidhiidh gaar ah oo dhex mara Dawladaha IGAD.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Warbaahinta u sheegay inay Puntland doonayso inay xafiis xidhiidh diblomaasiyadeed ku lug leh Kenya ku yeelato dalkeeda, isla markaana xafiiskaasi ka shaqeeyo danaha labda dhinac.
Wasiirka ayaa sheegay inay Puntland, laftigeedu xafiis noocaas ah ka furanayso Kenya.
Xidhiidhka noocan ah ayuu ku tilmaamay mid fududeeya Ganacsiga iyo arrimaha kale ee aasaasiga ah.
Halkan ka dhegeyso:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/News155.mp3"][/audio]