Friday, May 2, 2014

Madaxweyne Muranka Dhulka adiga iyo Xawaaladdaada ayaa ka masuul ah


XILLI WALI TILMAANTII




 




GAMAAN  WALIBA XAABKII




 




XOG OGAAL TIBAAXDII




 




Mudane  Madax weyne xog-ogaal tibaaxlehe ilo dublamaasiyadeed oo xog -ogaal ahi waxay tilmaamayaan isaguna uu sheegayaa in uu telefoon kugula  soo Hadley  madaxweyne gurguurte  oo ka madax ah qarran soomaalieed oo dowladiisu dhaafi laadahay 23 sano xaafad muqdisho ku taal oo la yidhaa bakaaraha.




 




Adiga oo ka masuul ah qarran toddoba malyuun ah.  Markiiba waxa si fiican loo gartey  aminta lagul soo Hadley in aaney maalin ahayne habeenka qaarkiisa dambe ay tahay. Xilli wali tilmaan lehe , waxay ahayd saacadahaagii lagugu yaqaaney ee aad toosin jirtey telefishanka qarranka  iyaga oo leh war deg deg ah. Xilligii halka wax dhaxal gal lagaa sugayey aad bilaabi jirtey gocashada yare e kugu soo dhacda adiga oo sida habraha u caytamay a oo leh : UF BAA LAGU YIDHI, WAA LAGU NACAY, WAA TII LAGAA WADA CARAREY. Amintii ayaa lagula soo Hadley aad waayi jirtey cid warkaaga faafreebta oo wixii khaldan ka reebta. Hadiise telefishanka qarranku hawshaa qaban lahaa ceebtaadu may soo baxdeen, maxayse kaaga taalaa dadku hadii ay guulwadayaal noqdaan xitaa markad qufacdo ayey kaa daba qufacayaan iyaga oo u haysta wax saxa. Madaxweyne gurguurte  waxa uu  sheekada kaaga bilaabey  in dayactir lagu sameynayo  sartii Jirde Xuseen ee dheereyd ee muqdisho ku taaley ee dhowaan  marwada koowaad ee qaranku  Aamina jirde siisatey labada milyan ee dooler, kuwaas oo ahaa cashuurtii shacbigan biyo la aanta ka cabanaya. Isaga oo markiiba kuu guda gelin ujeedadiisa ayuu ku weydiiyey suaal aan meeshaba oolin isaga oo ku leh, horta xildhibaanadii Burco immisa ayaa kaaga soo baxay?? Markiiba waxad ilowdey in aad qarranka oo dhan masuul ka tahay, waxaanad tidhi afar iyo tobban. Sheekadii ayaad sii wadey oo waxad ku tiraabtey Berberana shan , Hargeysana saddex oo ahayd sida lagugu yidhi ilaa imikana aad u haysato. Ma belbelana ayuu yidhi? Waxad u qaadatey in uu kuu diidan yahay guushaa aad gaadhey waxaanad ugu jawaabtey Berbera ninka habeenkii batarka ka ciyaara ayuun baa degaan ka ah.




Madaxweyne  gurguurte  waxa uu ku arkey keegan dabaqyada ah ee labeenta  leh ee aad masuulka ka tahay in aanad wada ilaashaneyn ee aad shokolado yar oo dhinaca kaga dhejisan aas xoog u caashaqsan tahay. Waa kolkaas goortu kuula soo badheedhey ciidanka Taleex ka saar, adiguna sidii aad badhasaabkiisii tahay markiiba cadami garaaca aad tidhi. Mudane  Madaxweyne Somaliland dib ayaad u celisey. Waxaan magic xumo ahayna uma soo wadid.  Waxaana kula gudboon in aad ogaato sida shacbigu u og yahay Talleex ilaa Tog -wajaale , waxa mushkilad arimaha dhulka ah eek a taagan in aad adiga iyo Xawaaladadu masuul ka yihiin. Lix billood adiga oo aan kursiga fadhiyin  ayaad bilowdey mashruucii boqolka baraagood lagu dhisayey ee Xawaaladaadu maal gelineysey. Kaas oo markiiba keeney dagaal hor leh oo lumiyey deris wanaagii beelaha walaalaha ah. Wershadii sibidhka oo dadkaa horeeyey ruqsad dawladu u siisey ayaad mid kale u soo qortey Xawaaladaada si ay dhulkaa u shiiisho. Sidoo kale iska horimaad ayaa ka dhacay sababey iney ilaa hada cakirnaato xal u helidiisii.  Waxa leysku qabsadey dhulkii wersheda kabida ama xeradii soodaanta. Warqad ayaad soo siisey Xawaaladaada si ay dhulkaa u soo shiisho, markii laga diideyna dadkii ayaad shiishey oo ciidan ku dalbatey. Leysla soo dhaaf malaha sanadkan dhulkaa la shiilayaaye, waxay dowladaadu ka xishoon weydey gurigii xisbiga oo aad warqad u soo siisey Xawaaladaada si ay u soo shiisho, hase yeeshee dadkii ku ganacsanayey ee wadhatada ahaa ayaa kaa diidey , waxaana xabsiga ciidankaagu u taxaabeen maalin keliya 86 lix iyo sideetan qof oo habeenimadii la sii daayey.  Waxa la wada ogsoon yahay in adiga iyo Xawaaladaadu aad ku jirtaan dhulshiil iyo dhulboob. Waxad odhan kari laadahay xawaaladaada xishoo. Waxad qarankan badey waxa aad bartey ayaa kaga daran.  Waxa aad bartey in meelihii danta guud loo baratamo. Waxad bartey in aad maamul gobboleedyo aan geesna kaa gaadheyn aad kolba la shirto oo hadhowna ay ku dafiraan oo ku ceebeeyaan. Hase yeeshee Somaliland maalinta xilkaagu dhamaado maxkamad ayaa lagu saarayaa, malaha xadhiga iska xejin meyside sidii barlesconi ayay ku odhanayaan  waxaad joogeysaa oo ku qoran tahay xarrunta agoomaha Hargeysa. Geesna uma dhaafeysid. waa sidaa abaalkaagu.




WACAYS AXMED MAXAMUUD




BARRE ADDUUNYO




Frankfurt Germany




bareadunyo@gmail.com