Saturday, May 10, 2014

Nin Hubaysan oo Xaaskiisii iyo Laba Carruur ah oo ay u dhashay ku Dilay Buuhoodle


Buuhoodle(GNA)-Nin shacbi ah ayaa Magaalada Buuhoodle, ku dilay qof Dumar ah oo uu qabay, laba Caruur ah oo uu dhalay iyo Nin kale oo rayid ahna dhaawacyo culus soo gaadhsiiyay, kaddib markii sida la sheegay uu Rasaas ku furay .




Falkan ayaa saaka arroornimadii dhacay.




Ninka Dadka laayay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Gadh-weyne, ayaa markii uu falkan geystay sida la sheegay Khamri cabsanaa, isagoo sabab aan caddeyn rasaas ugu furay saddexda qof ee Qoyska ka tirsanaa.




Ninka kale ee uu dhaawacay ayaa ka mid ahaa dadka jaarka ah ee u soo gurmaday markii ay qaylada iyo rasaas maqleen.




Sida uu Gobanimonews u xaqiijiyay qof goob-jooge ahi Ninka dhaawacmay ayuu rasaas Caloosha kaga dhuftay Gacan ku dhiiglaha ah.




Dhacdadan ayaa si weyn looga argagax Magaalada maanta.




Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu Ninkaasi ilaa saaka qori la hortaagnaa Guriga uu dadka ku laayay, iyadoo maydka Gabadha uu dilay  iyo Carruurta uu dhaawacay halkaasi yaalaan.




Laakiinse ninka kale oo uu dhaawacay ayaa loola soo cararay Cisbitaalka Magaalada Burco, sida ay goob-joogeyaashu noo xaqiijiyeen.




Ninka Dadka laayay ayaa hore dilal uga geystay Magaalada Buuhoodle.




Nin kale oo ay Walaalo yihiin ayaa isaguna dhawaan qof ku dilay Gudaha Magaalada.




Magaalada Buuhoodle ayaa ammaankeeda wax maamulla Maamulka la baxay khaatumo State oo aan awood bilays oo xoogan lahayn.




Ciidamada Itoobiya ayaa qarka shishe ee Magaalada degen, halkaasoo uu maro Xuduudka Itoobiya.




Ciidamadan ayaa inta badan dhacdooyinka noocan ahi marka ay ka dhacaan Magaalada wax ka qabashada soo faro geliya.




Laakiise sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyay ee Magaalada naga soo gaadhay, wax talaabo ah lagama qaadin Ninka falkan fooxa xun geystay.