Hargeysa(GNA)-Masuuliyiintii Wargeyska Haatuf ayaa Xabsiga loo taxaabay, saacado ka dib markii ay furatay dhegeysiga Dacwad loo haystay oo ay dhibaneyaal ka yihiin Masuuliyiinta.
Axmed Cali Cige oo Tafaftiraha Wargeyska Xayiran ee Haatuf qaybtiisa Luuqada Soomaliga ahaa iyo Mulkilaha Haatuf Media Newwork, ayaa loo diray Muddo 7 Cisho oo Ruman ah, sida Saraakiisha Maxkamaddu caddeeyeen.
Dacwadan oo Abaaro Sagaalkii Subaxnimo ka Billaamatay Maxkamada Hargeysa ayaa Garsoorihii Dhageysanayey dacwadu waxa uu dacwadoohoodii dhegeystay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade iyo Wiil uu Sodog u yahay Madaxweyne Siilaanyo kuwaasoo Maxkamaddu sheegtay inay dhibaneyaal yihiin.
Dhanka Kale Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige ayaa iska difaacay eeddaha loo jeediyay.
Dacwadan oo Socotay Muddo ka Baddan 5 Sacadood oo xidhiidh ah ayaa Markii La dhegeystay dooda Wasiirada ee ay dhammaatay Dacwadii maantu ayaa Waxa Rumaan loo diray Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cige.
Cambaareeyn
Labada Masuul ee la xidh-xidhay ayaa hore waxa xayiraad loo saaray wargeyska ay ka shaqaynayeen, kaasoo muddo ka badan saddex todobaad xidhan.
Ururrada Caalamiga ah ee u dhaqdhaqaaqa Saxaafadda iyo kuwa Maxaliga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Xayiraada Wargeysyada iyo gabood falada lagu hayo wariyeyaasha ee ay dawladdu wali sii waddo.
Xayiraada Wargeyska Haatuf iyo xadhiga Masuuliyiinta ayaa ku soo aaday xili sanadkan horaantiisii dawladda albaabada u laabtay wargeyska kale ee wali xidhan ee Hubaal Media, kaasoo ay hore saraakiil dawladda ka tirsan u soo weerareen.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com