Friday, May 23, 2014

Machad Diini ah oo laga Dhisayo Deegaanka Qararo.Daawo


qarar3Buuhoodle(GNA)-Waxaa Machad loogu Magacdaray imam Albukhaari laga Dhagax dhigay Center ka Qararo ee Degmada Danood ee Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya .




Qararo waxay 72 KM dhanka koonfur Galbeed ka Xigtaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ee Dalka Soomaalia.




Wefdi kasoo kicitimay caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida itoobiya ee Jigjiga oo Gelbinaya shiikha Caalimka ah ee Sh:Maxamed Cabdi umal ayaa aroornimadii hore ee Maalinkaa axadaa si weyn lagusoo dhaweeyey duleedka galbeed ee centerka Qararo.




Wefdigan oo Dhagax Dhigay Machadka Imaamul Bukhaari ee Qararo oo raacsan muassasada alsunna ayaa waxaa ka mid ahaa.




Sh/ Mahad Cabdilaaahi Kaahin oo Xubin ka ah golaha sare ee arimaha islaamka ee DDSI, ahna hogaanka masaajidada kilinka.




Cabdifataax maxamed mursal. Gudoomiyaha degmada Danood ee gobolka Doollo.




Sh/Maxamed Cabdi Umal. Caalim weyn oo kamid ah culumada bariga Africa.




Sh/Yuusuf Axmed Carab, madaxa dacwada ee muassaada alsunnah ee DDSI.




Sh/Ibraahin Barkhadle, oo kamid ah culumada DDSI Iyo xubno kale oo badan.




 




Wefdigan ayaa waxaa Centerka Qararo kusoo Dhaweeyey Culumo aad ubadan oo ka kala yimi centerada iyo degmooyinka kale ee Gobolka Doollo iyo Weliba magaalada Buuhoodle, cuqaasha iyo odayaal dhaqameedka reer Qararo, ardayda reer qararo, dhalinyaro, hooyooyin iyo dadweyne aad u farabadan oo uu horkacayo maamulka qabale centerka qararo oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha centerka qararo mudane: Axmed Maxamuud Cismaan.




Soo dhaweynta kadib ayaa wefdigani horay ka bilaabay dhagaxdhig si sharci ah loo dhigay machadka barashada shareecada islaamka ee imaamu albukhaari Qararo.




 




Dhagaxa ugu horeeyey ee Machadka ayaa si wada jira waxaa u wada dhigay sadexda masuul eek ala ah:




Sheikh/Mahad Cabdilaaahi Kaahin oo Xubin ka ah golaha sare ee arimaha islaamka ee DDSI, ahna hogaanka masaajidada kilinka.




Mudane Cabdifataax Maxamed Mursal. Gudoomiyaha Degmada Danood ee Gobolka Doollo.




Sheikh/ Maxamed Cabdi Umal. Caalim weyn oo kamid ah culumada bariga Africa.




Goobta dhagaxdhiga ayaa waxaa kelmado qiimo badan kazoo jeediyey sadexdan masuul ee machadka dhagax dhigay, iyagoo ku tilmaamay in machadka Imaamul Bukhaari uu yahay guul usoo hoyatey dadweynaha ku nool Centerka Qararo iyo guud ahaan degmada Danood, waxayna ilaahay ka baryeen inuu dhamaystiro machadkan iyo midhaha laga rajaaynayaba.




 




Dhanka kale waxaa iyana Madashaasi ka hadlay :




Sheikh/Axmed sheikh Cumar Xasan oo kamid ah culimada reer Qararo. Iyo




Caaqil Cabdiraxmaan Axmedolol Xaaji Diiriye oo kamid ah cuqaasha reer Qararo.




 




Sheikh Axmed iyo caaqil Cabdiraxmaan ba waxay ku dheeradeen muujinta Dareenkooda farxada leh eek u aadan guusha u soo hoyatey deegaankooda iyo machadkan Imaamul Bukhaari ee sida sharciga ah looga dhagaxdhigay magaalada Qararo.




 




Dhinaca kale shiikha iyo caaqilku waxay si weyn ugu mahadceliyeen wefdiga safarka dheer soo galay ee ku sharfay Centerka Qararo dhagaxdhga machadkan iyo weliba aqoonta iyo cilmiga ay usoo safriyeen reer Qararo.




 




Kadib markuu dhamaaday barnaamijka dhagaxdhiga machadka Imaamul Bukhaari ee Qararo waxaa wefdiga loo sii gelbiyey geedaha hadhweynaanta iyo bilicda isku darsaday ee ku yaala badhtamaha magaaalada Qararo halkaas oo ay ardaydii loo dhagax dhigay machadkani ku soo bandhigeen qaybo ka mida aqoontooda luqada caribiga iyo weliba mutuun kala duwan oo ay xifdisanyihiin.




 




Sheikh/Cabdishaafi Axmed Cali oo barnaamijka xidhiidinayey ayaa utalaabiyey microphone ka dhinca sh/Yusuf Axmed Carab oo isna ku soo dhaweeyey shiikha weyn ee Caalimka ah alle ha xifdiyee sh/Maxamed Cabdi Umal.




 




Sheikh Umal ayaa badhtamaha Qararo ka soo jeediyey muxaadaro aad u qiiimo badan oo dadweynihii la qiiroodeen, kadibna waxaa bilaabmay barnaamijkii fatwada oo su,aalo badan oo baahi loo qabay uu uga jawaabey sheikh UMAL dadwynaha ree Qararo, kaasoo qaatay mudo dhawr saacadood ah.




 




Dadweynaha reer Qararo ayaa geel iyo adhiba ku casumay wufuudana sharafta leh ee meelaha kala duwan isaga timi.




Si kastaba ha ahaatee maalinkan ayaa ah maalin weyn oo taariikhiya oo ay aad u hadalhayn doonaan dadweynaha reer Qararo xasustoodana ku Dheeraan doona.qarar2  qararo qararo2 qararo4