Thursday, May 22, 2014

Kenya oo aan sanadkan laga xusin maalinta gooni-isutaaga Somaliland iyo wefti ku lugo’ay


Jaaliyadda Somaliland ee Kenya oo cabsi Darteed habeenkii hurdo ledi la’ , xili Kenya danaynayso xidhiidhka diblomaasiyaddeed ee dalkooda




SifirNairobi(GNA)-Sidaynu wada ogsoonahay Dadka reer Somaliland waxay horaantii todobaadkan oo ku beegnayd maalintii Axadda u dabaal-dageen xuska sanad-guurada 23-aad ee ka soo wareegtay gooni-isutaaga waddanka.




Ka sekow gudaha dalka, Jaaliyadaha dibada ku nool ayaa ka qayb qaatay dabaal-degyada 18 May, iyadoo ay munaasibaddo kala duwan lagu qabtay dalal badan oo dibadaha ah, oo qaarkood aan hore looga xusi jirin 18 May.




Kenya




Sidaasoo ay tahay, jaaliyadda somaliland ee ku nool gudaha dalkan kenya ayaan sidii looga bartay ugu dabal degin munasibada 18 May, sababo dhanka ammaankood ah dartii.




Jaaliyadda Somaliland ee kenya ayaa sanadihii hore munaasibaddo lagu xusayo maalinta qaranimada dalkooda ku qabsan jiray meelo kala duwan, balse sanadkan sidaas aan ugu soo bixin, inkasta oo uu dhacay kulan kooban oo loola niyooday xuska.




Jaaliyada ku nool Kenya ayaa ka mid ah Jaaliyadaha  ugu waa wayn qarada Africa ee dalkaasi ka dhisan, waxaana jira dad badan oo ka mid ah Jaaliyada oo aan haysan sharciga Kenya.




Cabsi




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah Jaaliyadu, dadka ayaa ka baqay inay raaf kula kacaan ciidamada ammaanka kenya, bilihii u dambeeyay  guud ahaanba dalka kenya kawaday hawl gal lagu qabqabanayo dadka somalida ah ee sharci la'aanta ku jooga dalka kenya.




Safaarada Somaliland ee Kenya




Inkasta oo Safaarada somaliland ee dalka kenya ay isku dayday inay qabtan xaflad aad u baladhan,sida ay masuuliyiinteedu sheegeen, hadana kuma gulaysan,taas waxaanay xubno Jaaliyada ka socday, madaxda Safaarada iyo wefti dalkii ka yimi khudbaddo ka jeediyeen kulan casho ah oo ay ka soo qayb galeen waxoogaa dad ah.




Weftiga dalkii ka yimi




dr caliSafaaradda Somaliland ee Kenya ayaa casho sharaftan u samaysay, wefti ka socda barlamaanka dowlada somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Wakiiladda Dr. Cali , kuwaas oo nairobi  u yimi sidii ay uga qayb gali lahayen xaflada 18 May ee nairobi, waxaana casho-sharaftaasi ahayd mid lagu soo dhaweynayo.




weftiga ayaa ka kooban labada Xoghaye ee Baarlamanka, laba xubnood oo Golaha Guurtida ka socda iyo xubin wakiillada ka tirsan.




halkan ka daawo xaflad:








Kenya iyo Somaliland




Cabsida sababtay inay jaaliyada Somaliland Xafladdo ku qabsan kari waayeen dalka Kenya ayaa waxau kusoo beegmaysa xili dowlada dalkan kenya ay sheegtay inay safaarad ka furan doonto dalka somaliland.




Safaarada Somaliland ee Kenya ayaan inta la ogyahay qaadin wax talaabo ah oo dadka reer Somaliland lagaga badbaadinayo in lagu daro dadka Soomaalida ah ee dalka laga raafayo, hadana nasiib wanaag cid ka soo jeedda Somaliland oo la qabtay wali lama sheegin.




Xuska 18 May ee maalinta madaxbanaanida Somaliland ayaa sanad kasta lagu qaban jiray Magaalada Nairobi , marka laga yimaado sanadkan.




Soomaali la raafayo




Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay dadka Soomaalida ah ee dalkeeda sharci darada ku jooga ku celinayso waddanka Somaaliya, waxaana boqolaal Soomaali ah laga tarxiilay Magaallooyinka dalkan.




Abdirahmaan Buurdhaab




Gobanimonews




Kitale/ kenya Office




Email:  buurdhaab4@gmail.com