Ugu yaraan 150 Qof ayaa ku dhintay qaraxyo saacaddo kala dambeeyay oo ka dhacay laba Magaalo oo ku yaalla Waqooyiga Nigeria Arbacadii Maanta, sida ay sheegeen goob-joogeyaal.
Ugu yaraan 118 ruux ayaa ku dhintay laba Qarax oo 20 daqiiqo kala dambeeyay oo goor hore ka dhacay Magaalada Jos.
Tiro kale oo intaas ka badan ayaa la rumaysanyahay inay ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa inay Maydad badani ku hoos jiraan dhismeyaal ku bur-buray qaraxyada.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday miino gacmeed, suuq aad u mashquul ah oo ay goobo Ganacsi ku yaalaa, taasoo lagu bartimaameedsanayay dadka wax iibinayay iyo macaamiisha.
Madaxweynaha Dalka Nigeria oo ka hadlay weerarradan ayaa weerarkan cambaareeyay, waxaanu ku dooday inay wax ka qaban doonto dawladdiisu xiisaha isa sii taraya ee ka dhacaya gobollada dalka qaar.
Madaxweyne Good Luck Jonathen ayaa lagu dhaliilayaa inay dawladdiisu ka gaabisay inay soo afjarto weerarada Kooxda Boko haram ka waddo dalka.
Saacaddo yar kaddib markii ay dhaceen labadan qarax, ayaa weerar kale oo qarax ah lagu dilay ugu yaraan todoba iyo labaatan qof, Magaallo ku taalla waqooyi bari ee dalka Nigeria.
Qaraxan ayaa ka dhacay Magaalada, Alagarno, oo ku taalla gobolka Borno, waxaanay ku dhowdahay halka labada boqol ee gabdhood laga afduubay todobaadyo ka hor.
Ma jirto cid sheegatay weerraradan, hase ahaatee kooxda islaamiyiinta ah ee Boko xaram ayaa weerarro hore iyo afduub ka geysatay Gobolka.
Afhayeenka madaxweynaha Nigeria, Doyin Okupe, oo ka hadlay weerraradan ayaa sheegay in ay muddo qaadan doonto in la ogaado cidda ka dambeysay weerraradan.
Dalka Nigeria Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Jos, waxaana laga cabsiqabaa in ay dhacaan isku dhacyo dhexmara Muslimiinta iyo masiixiyiinta.
dhalinyaro caraysan ayaa wadooyinka ku jaray jid gooyooyin, markii ay qaraxyadu dhaceen.
Ku dhawaad kun qof ayaa Kooxda Alshabaab ku dileen sanadkan rabshadaha ay ka wadaan dalkaasi.
Gobolka Plateau, oo ay ka tirsan tahay magaalada Jos, waxa uu ku yaal bartamaha Nigeria, waana goobta kala qeybisa waqooyiga oo ay u badan yihiin Muslimiinta iyo koonfurta oo ay ku badan yihiin masiixiyiinta.
Talaadadii shalay ayaa barlamaanka Nigeria waxa uu ansixiyey in muddo lix bilood ah oo kale lagu daro xaaladda degdega ah ee uu madaxweynuhu ku soo rogay gobollada waqooyi, Borno, iyo Yobe.
Wariye ka tirsan Iddeecada BBC-da oo dhacdooyinkan soo wariyey ayaa sheegaya inay adagtahay in dawladda dalkaasi xal ku soo dabaasho isku dhacyada iyo qalalaasaha toban jirsaday ee dalka Nigeria ka socda.
Kooxda Boko xaram oo la aaminsanyahay inay xidhiidh la leedahay Shabakadda Al-qacida ayaa horseed ka ah dagaallada ka socda qaybo ka mid ah dalkaasi.
270 Gabdhood oo arday ah ayay bishii hore dhamaadkeedii ka afduubeen Gobolka Borno, kuwaasoo wali gacanta ugu jira.
Dawladdaha reer Galbeedka oo uu Maraykanku hogaaminayo ayaa gurmad milateri iyo Khubaro u diray dalkaasi si looga caawiyo baadi goobka gabdhahaasi.
Dad dunida caan ka ah ayaa ku baaqay in Hablahan loo soo celiyo qoysaskooda.
Afduub noocan ah ayaa dunida ku cusub taariikhda inta la xusuusto, waxaana si weyn argagax looga muujiyay dunida oo dhan.